Ma Dhabaa In Aanu Madaxweyne Siiraanyo Tahli Karin Wareysi Dheer Oo Saxafi Madaxbanaan La Yeesho ilaa Sanadkii 2012-kii?

Ma Dhabaa In Aanu Madaxweyne Siiraanyo Tahli Karin Wareysi Dheer Oo Saxafi Madaxbanaan La Yeesho ilaa Sanadkii 2012-kii?

Siiilr

Madaxtooyada Somaliland- (Salaanmedia.com) – Ururin argtida laga qabo madaxweyne Siiraanyo iyo soo horfadhiisi la’aanta saxaafada iyo laga horjooga muuqada ee maalinba maalinta ka dambaysa la soo dareemayo.
Ka dhiibo aragtidaada:
Ma dhabaa in madaxweyne Siiraanyo aanu tahli karin wareysi dheer oo uu saxafi madax-banaan la yeesho ilaa iyo sanadkii 2012kii oo ay ugu dambaysay wax wareysi ah oo fool-ka-fool la la yeesho kaas oo uu sii yey Yusuf Garaad oo BBC-da ahaa, kasokow shir-jaraa’ido cayiman oo xiliyada uu dalka ka sii baxayo ama uu soo noqodo iyo isagoo aan marna meelaha uu ka khudbadeeyo carabka soo marin dhacdooyinka aloosan ee siyaasadeed, balse hadalo guud oo waano iyo waxqabad uu ka jeediya. Isla markaana wasiiradiisu ay noqdeen kuwa ka jawaaba dhacdooyinka aloosma, halka

isan uuna muujin in uu la haysto, kana jawaab celin karo hadalada mucaaridka ilaa loo soo qoro qoraal uu ka akhriyo sida tii ugu dambaysay ee khilaafkii Gollaha Wakiilada oo uu noqol yar oo kooban oo qoraal ah qaranka la soo hor fadhiistay, halkii sidii hore loogu yaqiin aftahnimo iyo hadal yaqaan si hufan isku daba dhiga hadalo waran ku noqda hadba cidii ay is hayaan, sidii looga bartay wxii ka horeeyyey sanadkii 2011-kii oo uu sidan aanu ahayn haatan u muuqata ‘talax-gab xaga hadalka ah’!
Madaxweyne Siiraanyo ayaa hadda noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland soo mara ee aan mudo laba sano ah wax wareysi ah oo fool-ka-fool lagu la yeesho, isla markaana si weyn ay u muuqato in laga ilaaliyo saxaafada, lagana jawaabin wixi codsiyo ah ee wareyso gaar ah.
Hogaamiye yaasha mucaaridka ee kula tartamaya ayaa in ka badan 20 jeer bixiyey wareyso ay arimo badan oo ay ahayd in uu madaxweyne Siiraanyo isagu si toosa uga jawaabo isagoo saxaafada soo hor fadhiisnaya aanay dhin.
Dadka reer Somaliland ayaa aad u weydiya saxaafada madax-banaan waxa uu wareysi u siin waayo ama looga horjoogo, taas oo jawaabteeda aanu dadka soo dhex dhigayno, maadaama madaxtoyadu ka gaabsatay in ay ka jawaabto emai-da aanu weydinay arintan.
Kusoo dir email-kan Salaanmedia@gmail.com waxa ay kula tahay adigoo si hufan waxa u sharaxaya, daliishanayna waxa aad ku sabobaysay sobobta madaxweyne Siiraanyo ka dhigtay madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland ee saxaafada diida in uu wax wareysi ah siiyo sidaa aynu kor ku soo sheegnay.