Ma Dhabaa In Cabdicasiis Samaale Murashaxnimadii Madaxweynaha Uga Hadhay Muuse Biixi?

Hindisaha ganacsade Maxamed aw Siciid ee dhisida Muuse Biixi
-Shirarkii Madaxweynaha iyo Wasiirada isgarabsanaya
-Madaxweyne Siilaanyo iyo badheedhihiisii
-Kulmintii Xirsi iyo Muuse Biixi

sameele-and-biixi-

Hargeysa, (Salaanmedia.com) Ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Aw Siciid oo ka mid ah ganacsatada ugu waawayn Somaliland, balse inta baddan saldhigiisu yahay dalka Djibouti, ayaa la sheegay todobaadkii u danbeeyay inuu ku hawlanaa sidii uu qodxaha uga guri lahaa dhabaha murashaxnimada Madaxweyne ee Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi u marayo mustaqbalka hoggaaminta talada dalka, isla markaana u noqdo musharaxa sida rasmiga ah ugu taagan marka la gaadho doorashada wixii ka danbeeya mudada Madaxweyne Siilaanyo sii joogo. Sidaana waxa lagu sheegay warbixin ay baahisay shabakada Hadhwanaagnews.
Warbixintaa shabakada Hadhwanaagnews faafisay waxa lagu sheegay, in ganacsade Maxamed Aw Siciid kulamo la yeeshay dhinacyo kala duwan oo la sheegay inay ka mid yihiin, masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, Odayaal iyo waxgarad isagu jira madaxdhaqameedka ka soo jeeda deegaanka Woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa.

Kulamadan uu Ganacsade Maxamed Aw Siciid La yeeshay dhinacayada kala duwan ayaa ilo wareedyo u dhuun daloolaa ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen in ay uga gol leeyihiin sidii reer ahaan loo kala reebi lahaa, loona hakin lahaa loolanka Uu Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne siilaanyo ugu jiro murashaxnimada, isla markaana loogu qancin lahaa Cabdicasiis in uu ka tanaasulo oo uu uga hadho Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi. Dhinaca kale, waxay xogahaasi tibaaxeen, in fariintaasi gaadhay wasiir Samaale, taasina ay sababtay in wasiirku u tago Madaxweynaha oo uu waydiiyo arrintaasi inay tahay mid xagiisa ka lag haysta, balse waxa la sheegay in madaxweynuhu u sheegay, inuu madaxweyne ahaan murashax yahay teeramkiisii labaad, sidaa darteedna aanay waxba ka jirin warkaa. Hase yeeshee xoguhu waxay intaa ku dareen, in ololahaasi weli socdo qaar badan oo beesha ka mid ahina ay taageereen qorshahaa ganacsadaha. Laakiin ma jiraan warar madax banaan oo kala suuraynaya xaqiiqda, balse waxa la sheegayaa, in Maxamed Biixi iyo Samaale ay isku dhinac yihiin ayna la socdaan xubnaha kale ee wasiirada beeshu, isla markaana ay wadajir ula kulmeen madaxweynaha afar wasiir oo la sheegay inay kala ahaayeen, Maxamed Biixi, Cabdicasiis M. samaale, Muuse Qaasim iyo Abiib Diiriye Nuur, waxaanay xoguhu iftiimiyeen inay isla arrintaa kala hadleen madaxweynaha. Laakiin, siday xogaha qaar tibaaxayaan, waxa loo tirinayaa madaxtooyadu inay haatan la dhacsan tahay Muuse Biixi, lana tuhunsan yahay in loo diyaarinayo murashaxa madaxweynaha, isla markaana waxa la filayaa in muuse wefti uu hogaaminayaa dhawaan u safro dhinaca Burco, oo lagu wado inuu tago wefti Gudoomiye Cirro horkacayo.
Inkastoo xogahaa kala duwani is dhex qaadayaan, hadana, ma cadda in Wasiir Samaale tanaasulay iyo in Maxamed Biixi tanasulay midna, balse waxa la sheegayaa in ololahani weli hoosta ka nool yahay oo aanuu dhamaan, waxaana la sheegay in intii hawshani socotay la kulansiiyay wasiirka madaxtooyada xirsi iyo Muuse biixi oo hore aan isugu fiicnayn, balse lama sheegin wax ay ku heshiiyeen, mana jiraan xaqiiqo guud ahaan mawduucan ku saabsan oo si toos ah dibada ugu soo baxday.