Maalinta Saxaafadda Somaliland Oo lagu Xusay waqti Xukuumaddu Xidhay Wariyeyaal iyo Ha’ayddo Warbaahineed

Maalinta Saxaafadda Somaliland Oo lagu Xusay waqti Xukuumaddu Xidhay Wariyeyaal iyo Ha’ayddo Warbaahineed

saxaafada

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Xuska maalinta xoriyatul-qawlka Saxaafadda Somaliland oo ku beegan 9 November sanadkasta, kuna beegan Geerida Aabihii Saxaafadda Somaliland Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo shalay lagu qabtay Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, Weriyeyaal iyo Masuuliyiin ka socday Hay’adaha Warbaahinta dalka iyo Siyaasiyiin ka kala socday Xisbiyada Mucaaradka iyo Aqoonyahanka Somaliland, isla markaana waxay masuuliyiintaasi ku dheeraadee dhibaatooyinka ay soo martay warbaahinta Somaliland iyo xaalada ay ku sugan tahay waqti xaadirkan.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, Guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), Mujaahid Dhago Wayne, Mulkiilayaasha Xarumaha Warbaahineed Muuse Faarax Jaambiir, Farxaan Xaaji Cali, Gudoomiye ku-xigeenka ururka SOLJa Curad, xoghayaha Axmed Rashiid iyo wariyeyaal kala qayb galay munaasibada xuskaa, ayaa hadallo kala duwan ka jeediyey xuskaa, waxaanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lagu canaantay hab-dhaqanka foosha-xun iyo cabbudhinta kala duwan ee ay kula kacayso Saxaafadda madaxa-bannaan iyo Weriyeyaal ka hawlgalayey Gabiley oo xidhan, iyadoo lagu tilmaamay inay ku tumatay Xeerarka iyo qodobbada Dastuurka Qaranka ee dammaanad-qaadaya Xorriyadda Hadalka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda.
Ugu Horayn Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne oo ka hadlay Xuska maalinta saxaafadda Somaliland, wuxuu ka sheekeeyay hanaankii loo soo maray Xoriyatul-qawlka iyo sida ay maanta Xukuumadda Siilaanyo U Xaqirtay wuxuu yidhi, “Xoriyatul-qawlka iyo madax bannaanida saxaafadda waxa loo soo maray dhibaato badan, Xaq bay u leeyihiin inay qoraan dhaliilaha.”
Murashaxa M/Xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna ka hadlay munaasibadaa wuxuu yidhi, “Maanta waa maalin aynu u dabaal degayno saxaafada Somaliland loo asteeyay. Xukuumadda maanta talisa iyadoo lacag ay ka galin hiilkii ay u gashay waxay ahayd inay diyaarad u soo racaan madaxtooyada. Waxay xejin ladahay dhaliilaha ka taagab dalka ee saxaafadu sheegayso, warbaahintu waxay u hiilisaa shacabkooda. Waxa hubaal ah in xasuuq dhicilahaa haddii aanay jirin saxaafaddu xor ah.”
Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal, oo isna xuska munaasibadaa ka hadlay, wuxuu xukuumada ugu baaqay inay xayiraada ka qaado ha’yadaha warbaahineed ee xidhan, isla markaan xoriyadooda loo soo celiyo warayayaash xidhan. “Maanta waa maalin weyn, waa maalinteeni guud ahaan, waxaan hambalyaynayaa bahda saxaafada madax banaan.Maalintii la aas-aasayay maalintii loogu magacdarayay Marxuun Maxamuud Cabdi Shide, qodobada ugu muhiimsan ee lagu doortay waxaa ka mid ahaa Marxuunku wuxuu ka mid ahaa qofkii ugu horreeyay ee hanti uu leeyahay ku maalgaliya warbaahinta, ilaa wixii ka dambeeyay in aanay jirin ayaan u malaynayaa, laakiin wuxuu ku dhiiraday inuu hantidiisa galiyo saxaafada xorta ah oo wejiga ay maanta leedahay u yeello.”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Faarax Jaambiir. Wuxuu intaa raaciyay hadalkiisa oo uu yidihi, “Maanta saxaafada dhibaatooyin badan ayaa haysta, sida ay maamulkeena dhibaatooyin badani u haystaan, Marka ugu horraysa waxaan xukuumada ugu baaqayaa in xayiraada laga qaado hay’addaha warbaahineed ee xidhan, qofku dambi wuu gali waa la xukumi karaa.Laakiin wax fiican maaha in hay’ada la xidho, warayayaasha xidhana waxaan ugu baaqaya in la siidaayo oo xoriyadooda loo soo celiyo ama ay maxkamad caddaalad ah ay helaan.”
Dhinaca kale, waxa iyaguna ka hadlay munaasibadaa masuuliyiin iyo siyaasiyiin badan oo ku dheeraaday xaalada saxaafadda Somaliland maanta ku sugan tahay iyo mar xaladihii ay soo martay.