Madaxwayne Miyaad Ilawday Dhalinyaradii Kursiga Ku Saartay,Maxaad Se Ugu Badashay.Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Wadani

Madaxwayne Miyaad Ilawday Dhalinyaradii Kursiga Ku Saartay,Maxaad Se Ugu Badashay.Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Wadani

Gar_(1)

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Garabka dhalinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si kulul u cambaareeyey xadhiga ay Xukuumadu kula kacday qaar ka mid dhalinyarada dagmada Gar’adag oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI,waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin in Xukuumada Siilaanyo ay xadhig,cabudhin iyo cago juglayn ay ku hayso guud ahaanba dhalinyarada Somaliland.

Dhalinyaradan ayaa hadalkan ka sheegay shi-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa,waxaana ay sida oo kale ka dhawaajiyeen in xoogaga dhalinyarada mucaaradku ay dhawaan guud ahaanba dalka gudihiisa oo dhan min bari illaa galbeed ay ka fulin doonaan mudaharaado badan oo laga soo horjeedo tacadiga,xadhiga iyo cadaalad la’aanta ayey yidhaahdeen

ay Xukuumada Siilaanyo ku hayso dhalinyada Somaliland.
Xoghayaha ku meel gaadhka ah ee garabka dhalinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Sidiiq Dhame oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ka dhalinyaro ahaan ay aad uga xun yihiin in dhalinyaradii soo dooratay Xukuumadan Siilaanyo ay ku cabudhiso in ay si madax banaan ay fikirkooda ay u cabiraan,waxaana uu carabka ku dhuftay in dhalinyarada hada la xidh xidhay kaliya lagu haysto in KULMIYE ka baxeen Xisbiga WADDANI-na ay u wareegeen.
“Waxaanu aad iyo aad aanu uga xunahay aadna aanu u dhaleecaynaynaa xadhiga dhalinyarada ee Xukuumadu ay ayda ku xukuntay,dhalinyaradii fikirkooda muujiyey ee ka baxay Xisiga talada dalka haya ee KULMIYE oo ay ku xukuntay xadhiga u dhaxeeya Sagaal sano illaa Lix-da Sano,sidii maxkamadihii Siyaad bare uu dadka xukunka dag dega ah uu ku xukumi jiray.Waxaa kale oo laga soo raray gobalka Sanaag oo magaalada Ceeri-gaabo ayaa la keenay iyada oo laga keenay magaalada Gar-adag,waxaana lagu xukumay halkaas iyada oo lagu haysto waxaad ka baxdeen Xibsiga KULMIYE,waxaanan u wareegteen Xisbiga WADDANI.
Xoghayaha Dhalinyarada ee xisbiga Wadani oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.
“Haddaanu nahay xoogaga dhalinyarada Mucaaradka ah ee min bari illaa galbeed,waxaa aanu madaxtoyada ugu bushaaraynaynaa in aanu samayn doono bari illaa galbeed mudaharaado aan kala go’ lahayn.Maalintaas waxaanu hubnaa in dhalinyaradu ay dhexda farta ka qaniini doonto, haddii aanay tix galin kala dambaynta iyo sharciga umadda u yaala.Madaxweyne Siilaanyo waxaa uu illaabay markii ay shalay dhalinyaradu ay ilmada ka tiraysay isaga oo magaca riyaale garan la’ oo leh Maxamed Riyaale Kaahin.dhalinyaradani waa dhalinyaradii maalinta ku baal taagnayd,waa dhalinyaradii kuu hiilinaysya ee ka dhiidhiyeysay tacadiga maalinta aad ka cabanaysay,maantana waxaad ula badheedhay xadhig iyo tacadi,Madaxweyne laakiin ku abshir in dhalinyaradu ay hadhka madaxtooyada ay codkooda kaaga soo saari doonaan,haddii Alleh yidhaahdo marka ay timaado codayntu,waxaan kale oo aan ku celinaynaa haddii ay Xukuumadu xadhiga dhaliyarada ay joojin waydo miidaanu taxriir ayaa ay madaxtooaydu ay noqon doonta.
Mubaarik oo isna sida oo kale ka mid ah garabka dhalinyarada Xisbiga WADDANI ayaa isna si aada u cambaareeyey cabudhinta ay muddooyinki danbe ay Xukuumadu ku haysay Saxaafada Madaxa-banaan.
“Madaxtooyadu markii ay Xilka qabsatay waxaa ay la kowsatay Saxaafada,Xadhigeeda iyo Cabudhin-teeda,oo ay shalay markay mucaaradka ahaayeen u yaqaaneen wax ceeb ah,oo ay maantana wax caada dooda ah ay noqotayba illaa maalinka maanta ah qaar ayaa xidh xidhan,maalin walba waa la xidh xidhayaa oo tusaale ahaan Haatuf waxaa lagu haystay maxaad u sheegtay musuq maasuqa,waxaa ay ahayd in shahaado sharaf la siiyo laakin se muu mutaysanayn xadhig,ceeb ayaan u aragnaa.Arrinta kal ee jirta waxa weeye in ay Xukuumadu ay ilowsan tahay in Saxaafaduay tahay tii qaybta laxaadka leh ka qaadatay in ay kursiga fuusho.
Ugu danbayntiin waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha isku xidhka ardayda Jaamacadaha ee Xisbiga WADDANI Md:Yuusuf Jaamac,waxaana uu isna uu sida oo kale Xukuumada ku cambaareeyey tacadiga,xadhiga iyo caga juglaynta ay maalin walba ku hayso Saxaafada madax-banaan iyo dhalinyarda Somaliland.
“Waxaan halkan aanu aad iyo aad aanu ugu cambaaraynaynaa tacadiga iyo xadhiga joogtada ah ee Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Siilaanyo ay kula ka cayaan Dhalinyarada iyo Saxaafadaba iyo waliba guud ahaanba shacbiga reer Somaliland.Waxaan aad sii cambaaraynaynaa xadhiga dhalinyarda Daalo,dhalinyarada lagu xidhay gabiley,Wariyeyaashii Gabiley,Wariyaha Horn Cable warka uu soo gudbiyey ee lagu haysto miyaa ay Xukuumadu ilowday markii ay ku faraxsanaayeen markii ay calanka UDUB Ey-ga loo xidhay ee ay isu bushaaraynaayeen.Maanta se haddii ay Saxaafadu ay so bandhigto calankii KULMIYE oo kabaha lagu masaxaayo ma in ay Saxaafada cabudhiyaanba oo ay xidhaanba.