Madaxweyne Siilaanyo oo Shaaciyey Go’aanka uu ka Qaatay Martiqaad uu ka Helay Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweyne Siilaanyo oo Shaaciyey Go’aanka uu ka Qaatay Martiqaad uu ka Helay Madaxweynaha Soomaaliya

Ziilanyos

Hargeysa (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaciyey inuu ka helay madaxweynaha Soomaaliya martiqaad la xidhiidha shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhaca dalka Denmark bishan November ee 2014, isla markaana aanay xukuumad ahaan shirkaas ka qaybgeli doonin maadaama uu yahay mid u gaar ah arrimaha Soomaaliya

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyey shirweyne ay ku kulmeen hay’adaha caalamiga ah ee taageera Somaliland iyo xukuumaddiisa oo hudheelka Ambassador ka qabsoomay shalay, waxa

uu xusay in dalka Somaliland yahay waddan ka madaxbannaan Soomaaliya, isla markaana aan ka qaybgeli doonin shirarka lagaga hadlayo arrimaha federaalka Soomaaliya.
“Waxa aan martiqaad

Ziilanyo 2

ka helay madaxweynaha Soomaaliya si aan uga qaybgalo kulan heerkiisu sareeyo oo Soomaaliya loo qabano bishan aynu ku jiro, waxaanan jaarkayaga u rajaynayaa wanaag, laakiin shirkan la igu martiqaaday waa mid u gaar ah Soomaaliya, mana khuseeyo Somaliland, waxaanna la oghayahay in Somaliland tahay dal gaar ah, shirka lagu qabanayo magaalada Copenhagen ee dalka Dermark waa khuseeya ajandayaasha arrimaha fedaraalka Soomaaliya, kuwaasina maaha qaar khuseeya Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo. Waxa kaloo uu beesha caalamka ka codsaday inay ka shaqeeyaan, isla markaana taageeraan wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu yidhi; “Wadahalka waxa Somaliland iyo Soomaaliya waxa si deeqsinimo ah u wada dalka Turkiga, waxaannu jecelnahay in midho-dhal fiican ka soo baxaan shirka wadahadalka, waxaanan beesha caalamka ka doonaynaa inay taageeraan sidii loo dammaanad qaadi lahaa in dhinacada (Somaliland iyo Soomaaliya) loogula xisaabtami lahaa fulinta qodobada iyo heshiiska ka soo baxay wadahadalka. Somaliland waxa ka go’an ilaalinta iyo ka qaybgaadashada nabadgelyada, ammaanka gobolka Geeska Afrika, iyo inay qiimo weyn u hayso soo wadida wadahadalka Soomaaliya si ay u muujiso inay dal muxtaran ah ku dhex noqoto bulshada caalamka.” Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale iftiimiyey inay ka go’an tahay sidoo dib-u-habayn loogu samayn lahaa nabadgelyada, ammaanka iyo qiyamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku caano-maashay, laguna majeerto. “Si loo dammaanad qaado ilaalinta xuquuqal-insaanka, gaar ahaan xuquuqda dumarka iyo carruurta si loo ilaaliyo, waxa aannu qaban doonaa doorashooyin sannadka soo socda (2015), waa qaar dhibka iyo caqabadahooga leh, laakiin anniga iyo xukuumadayda waxa naga go’an in aannu dammaanad qaadno sidii loo qaban lahaa doorashooyin u dhaca six or iyo xallaal ah, guulna u noqda Somaliland. Waxa aan beesha caalamka weydiisanayaa in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac si loo xaqiijiyo hamiga iyo yoolka Somaliland ee ah in la dhiso dal nabadgelyo ah, ammaan haysta, dimuqraadi ah oo barwaaqo ku nool,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland
Waxa madaxweynuhu u mahadceliyey guud ahaan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha horumarka iyo dimuqraadiyeynta, isagoo si gaar ahaan u soo qaatay taageerada dhaqaale ee sida gaarka ah loogu qoondeeyey Somaliland shirkii ka qabsoomay dalka Belgium sannadkii 2013 (Somaliland Special Arrangement), kuwaasoo loogu tallogalay in si gaar ah loogu taageero Somaliland, iyadoo aan la isku darin dhaqaalaha Soomaaliya iyo Somaliland. adaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland iyo beesha caalamka iska kaashadaan dhinacyo badan oo faa’iido leh, isagoo xusay in sanduuqa horumarinta Somaliland SDF (Somaliland Development fund) uu yahay mid qayb ka qaata horumarka kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland, isla markaana sanduuqaasi yahay mid adduunku si weyn ula socdaan. “Saaxiibadayada dalalka Ingiriiska iyo Denmark, ayaa abuuray sanduuqa horumarinta Somalinad (SDF), waxa markii dambe ku soo biiray dalalka Norway iyo Holland, waxa kaloo hadda diyaar u ah inay sanduuqaas ku biiraan Midawga Yurub oo taageeradooda si toos ah ugu shubaan sanduuqaas, lacagaha ilaa hadda lagu riday sanduuqaas waxa lagu qabtay waxyaabo baddan oo horumar ah,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.