Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Hadlay Qabsoomida Doorashada, Cabashadii Odayaasha Boorame, Muranka Golaha Wakiillada

Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Hadlay Qabsoomida Doorashada, Cabashadii Odayaasha Boorame, Muranka Golaha Wakiillada

Siilaaanmyo

Hargeysa, (Salaanmedia.coml)-Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Silaanyo ayaa ka hadlay qabsoomida doorashooyinka, Cabashada Odayaasha Boorame, muranka Golaha Wakiillada iyo qodobo kale. Khudbad dheer oo uu ka jeediyey xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayuu Madaxweynuhu arrimahaas kaga hadlay waxayna u dhig nayd iyadoo dhammaystiran sidan .
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
“Al-xamdulilaahi, Wassalaatu Wasslaamu Calaa Rasuulillah”
Salaan qiimo badan kadib, waxaan bulshada reer Somaliland ee gudo iyo dibadba joogta, la jecelahay horumar, waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu ka dul-qaado wixii dhib ah, iyo in uu gaadhsiiyo barwaaqo iyo bashbash.
Waxaan maanta jeclaystay, in aan dareenkayga idinla wadaago, waxaana hadalkaygu daarran-yahay maanta, markaan arkay sida dunidu inoogu soo qulqulayso iyo dedaalka Dawladdu waddo, iyo dadka buuqa iyo qaylada la taagan ama mucaaradada ka dhigtay cayda, habaarka iyo eedaymo aan macno lahayn oo saxaafada laysu mariyo.
Waxaa muuqata in dalku meel fiican marayo, horumar badani ka socdo, dhaqaalihii kor u socdo, waxaa laga eegaa, Korodhka ganacsiga, Dhismayaasha, Korodhka dhoofinta iyo soo dejinta shixnadaha ganacsi, korodhka shaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqa baayac mushtarka.
Iyadoo ay jiraan dawlado iyo maal-qabeenno badan oo shisheeye oo danaynaya inay maal-gashadaan dalkan, waa ogaydeen shirkii ganacsi ee qiimaha badnaa ee dhawaan Dawladda Ingiriisku inoogu qabatay dalkeeda, kaasoo loo agaasimay si aad u heer sarraysa, taasoo aniga iyo Wasiiradii ila socday aanu ku soo bandhignay Khayraadka dalkeena yaalla, iyo fursadaha ganacsi ee dunidu inala wadaagi karto.
Waxaa xusid mudan, 9-kii subaxnimo ilaa 5-tii galabnimo intii shirku socday, shirku waa buuxay, hal kursi ma banaanayn dadku wuu taagnaa in badani, waxay muujinaysay xiisaha loo qabay shirka, iyo sida uu usoo jiitay Bulshada Caalamka.
Waxaa loo baahnaa in aqoon-yahanka iyo ganacsatadu la yimaadaan hal-abuur, fikrado cusub iyo dedaallo ay kaga faa’iidaysanayaan fursadaha ka dhasha shirarka noocan oo kale ah, oo gogosha u dhigtaan, gadhwadeenna u noqdaan Maal-gashadayaasha shisheeye “Balse waxaa la yaab ahayd, waxaan kusoo noqday dalka iyadoo lagu sheekaynayo Madaxweynihii Is-sharrixi maayo, wuu xanuunsanayaa iyo sheekooyin aad u daciif ah oo aan ka turjumayn wixii qarankani u baahnaa.
vWaxaan leeyahay, waar xanuunsan maayo oo Ilaahay mahaddii, dheg laygama hayo.
vWaar dhiman maayo maalinta ajashayda ka hor.
vWaar kursiga cay kaga tagi maayo ee cod baan ku imi, maalinta codka layga helo ayuun baan bannaynayaa, waxaanan haystaa kalsoonida Bulshadii i dooratay.
Waxaanan ku kalsoonahay in bulshada Somaliland si fiican u kala taqaanno cidda wanaaga iyo horumarka wadda, iyo cida af-miishaarnimada iyo qaska wadda. Waxaan arkayey, maalintii Burco-duuray qaar-qaylinaya oo leh waxaanu xusaynaa maalintii Burco-Duuray iyo Ragii ku dhintay, Waar burco-duuray halgankaba anigaa hogaaminayey intii ku shahiiday Ilaahay ha u naxariisto, umana baahna in lagu xuso xasarad, cay iyo af-lagaado, inta noolina waxay gaadheen wixii ay u halgamayeen oo waxay dhisteen Qarankan, waxaan leeyahay waa qalad in halgankii ummaddu lahayd, iyo mujaahid-baan ahay loo daliishado khaladka aan doono ayaan samaynayaa sharciguna i qaban maayo, waar ma jiro qof sharciga ka weyni “ Ka sarraya”, kii joogay iyo kii maqnaa dalkan way u siman yihiin, waxaanay ku leeyihiin xuquuq isku mida, wax kasta oo loo adeegsado in ummaddan lagu kala qoqobaa waa reebban yihiin.
ARRIMAHA DOORASHOOYINKA IYO DIIWAANGALINTA
1) Waxaan labada Gole ka ballan-qaaday in aan diyaar u ahay in la qabto doorashooyinka oo wakhtigooda ku qabsooma.
2) Waxa aan qoraal ugu gudbiyey Deeqbixiyayaasha in aanu diyaar u nahay doorasho wakhtigeeda la qabto, ma cidbaa nagu khasabtay in aan qoraal ku bixino oo labada Gole ka hor caddeeyo.
3) Waxa la wada ogyahay in dhammaan miisaaniyaddii ku bixi lahayd labada doorasho iyo labada diiwaangelinood aanu ku diyaarinay Miisaaniyadda 2015 ee Baarlamaanka la taala.
4) Waxaanu diyaarinay Xeerkii Diiwaangelinta Madaniga iyo Codbixiyaha oo aan u gudbinay Golaha Wakiillada. Waxa la wada ogaa murankii Xisbiyada Mucaaridku ay ka keeneen qodobo ka mid ah, Waxaanan u saaray Guddi saddexda Xisbiga iyo Xukuumadda ka kooban, waxay isla garteen in qodobo wax laga bedelo waanan aqbalay.
5) Xukuumad ahaan, waxaanu gudbinay Xubnihii Komishanka Doorashooyinka, waxaana Xukuumadda iyo Xisbiyaduba ay diyaar u yihiin in la ansixiyo.
DIIWAANGALINTA MADANIGA AH