Madaxweynuhu Ma Oga In Xisbigiisa KULMIYE Murashax Kale Laga Dhex Wado…”

Madaxweynuhu Ma Oga In Xisbigiisa KULMIYE Murashax Kale Laga Dhex Wado…”

Cali Guray

Hargeysa, (salaanmedia.com)- Gudoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa Sheegay in Xisbiga Kulmiye ay ka dhex socdaan hanaan qabyaaladeed oo lagu soo xulayo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana wuxuu ku eeddeeyay Guddoomiyaha xisbiga waddani inuu doonayo in doorashada dib loo dhigo.“Arimaha Madaxweynuhu kaga hadlayay Khudbadiisa waxaa ka mid ahayd inay doorashadii ka go’aan tahay,in labadii doorasho lawada qabtana uu doonayo, sidoo kalena uu yahay Murashax, laakiin Xisbigiisana waxaa laga wadaa wax kale. Dad gaar ah baa Xisbigii ka dhex shaqaynaya oo si qabyaaladaysan uga dhex shaqaynaya. Waxay leeyihiin Madaxweynaha waa beentii Murashax maaha,Doorashada dibbaanu u dhigaynaa, hebelow… hebel baa Musharax noqonaya, hebel kale ayaa Murashax ah, hebel, heblaayo ayaa soo dirtay, hebelna hebel buu u socdaa, waa waxaan la fahmayn oo markaad Xisbi ahaan u eegtana ceeb ku ah, qaran ahaana ceeb ku ah” Ayuu yidhi Cali Guray oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.
Cali Gurray wuxuu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Waxaan u sheegayaa haddii Murashax Sacad Muuse ah la doonayo,Anigaa Musharax ah ee ninka I reebayow kaalay,mar haddii qolonimo iyo reer nimo la isku soo sharaxayo.Haddii Xisbi nimo la isku sharaxayana Kulmiye waxaa u murashax ah Madaxweyne Siilaanyo, Ucid-na Jamaal. Madaxweynuhu waxbadan ma Oga,sida uu isaguba sheegay ,in Wariyeyaashii ugu badnaa la xidh-xidhay oo Gabilay qaar lagu xidhay oo Gar’adagna qaar lagu xidh-xidhay. Madaxweynuhu ma Oga inta Aqal ee RRU-du u daadatay ee kan Mulkiilaha Horn Cable ugu dambeeyay,Madaxweynuhu ma Oga in Xisbigiisu wax kale wado Xukumadduna wax kale wado”
Dhanka kale waxa uu Cali Guray dadka doorashada caqabadaynaya ku daray Gudoomiyaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro,isagoo sheegay inuu qayb ka yahay hawlaha doorashada carqaladaynaya “Anaga (Ucid) iyo Waddani waanu wada soconaa,waxaanu nahay Doorasho u joog laakiin, waxaa Nasiib daro ah Gudoomiyaha Waddani waxaad moodaa inay Xukumadda wada socdaan oo ay wax kale isku Ogyihiin oo aan ahayn waxa ay isku Ogyihiin Waddani iyo Ucid oo ah Doorasho.Gudoomiye Cirro isagaa Gudoomiyihii ahe waxaanu filaynay inuu doorashada nala Riixo oo isagaa dadka la haysto ka mid ahe uu is baraxo laakiin, aad baanu uga xunahay Xukumaddan,Guurtida iyo Wakiilada oo Xeerkiina isku dhex wareejinaya oo midba midka kale ku riixayo,Komishankii inuu hawshiisa galena, iyagaa ka hortaagan. Maalmihii u dambeeyay ayaa la hadal hayay inaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ahayn Murashax, sidaasi darteedna la baadhayo Murashax kale.wararka qaar ayaa sheegaya in Muuse Biixi loo wado Murashaxa halka arintaasina dib u istaadhay khilaaf huursan oo u dhexeeya Xubno damac kaga jiro hogaanka dalka.”