Magaaladda Tog-wajaale Oo Qaybo Ka mid ah Dab Qabsaday Iyo Dadwayne Gadoodsan Oo Mudaharaad Iskugu Soo Baxay

Magaaladda Tog-wajaale Oo Qaybo Ka mid ah Dab Qabsaday Iyo Dadwayne Gadoodsan Oo Mudaharaad Iskugu Soo Baxay

Broknews

Togwajaale, (Salaanmedia.com)-Magaalada Togwajaale oo ah magaalo ganacsiyeed ku taala xadka somaliland iyo etoobiya Islamrkaan ay taalo hanti malaayin dollar Ah ayaa saaka waxaa Dab qabsaday meherad yar taasi oo dabkii kakacay uu galaaftay meherado balaadhan wali aan la ogayn kharaasaha rasmiga ah ee uu dabku gaadhsiiyay hantida dadka.
Wararka aanu ka helayno magaalada wajaale ayaa sheegaya in wali dabku socdo wax gurmadana aanay ka helin gabi ahaanba dawlada oo uu u horeeyo maayirka magaalo oon gabi ahaanba lahayn wax gaadiida oo lagaga hortago masiibada dabka
Dadwayne gadoodsan oo ka kacay gurmad la,aanta dawlada ayaa ku dhawaaqayay hadhacdo dawlada siilaanyo
Wali ma cada kharaasaraha dhabta ah ee uu sobobay dabku Waxaa mudooyinkan danbe gobolka gabiley kusoo badanayay meheradaha uu u qabsado dabku kuwaasi oo badi ay badbaadiyaan shicibka oo gacantooda ku bakhtiiya halka dawladuna ay ku fashilantay ka qaybqaadashada gurmad lagu badbaadinayo hantida dadwaynaha
dhawaan ayay ahayd markii kaalin shidaal oo ku taala magaalada Gabiley dab ka kacay taasi oo uu soo gaadhay khasaare laxadle