Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Barbera,Munaasibad Soo Dhawan Ahna U Sameeyey Taageerayaal Ka Soo Diga Rogtay Xisbiga Kulmiye + Sawiro

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Barbera,Munaasibad Soo Dhawan Ahna U Sameeyey Taageerayaal Ka Soo Diga Rogtay Xisbiga Kulmiye + Sawiro

Ber 1

Berbera (Salaanmedia.com):- Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta si balaadhan oo aan kala hadh lahayn ay dad waynaha ku dhaqan magaalada Barbera ay u soo dhaweeyeen.

Ber 2

Dadweynahan oo ahaa kuwo aad u tira badan ayaa ugu horeyn waxaa ay meel u jirta 10-Km magaalada Barbera ay kaga horyimaadeen waftiga,iyaga oo lulaaya calanka bilicda san ee Xisbiga WADDANI,sida oo kalena kuna dhawaaqaya hadalo ay ku soo dhawaynayaan guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro,iyo hadalo kale oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka

guddoomiyaha ee Gobalka Saaxil.

Ber 5

Waftigan oo ay Guddoomiye Cirro ku wahelinayeen Masuuliyiinta sar sare Xisbiga oo ay ka mid ahaayeen Aqoon yahan,Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI,Afhayeenka Xisbiga WADDANI,Guddoomiye ku xigeenka Shanaad ee Xisiga WADDANI,Xoghayaha Xidhiidhada Gobalada,Xoghayaha Arrimaha Dibada,Xoghayaha War-faahinta,Siyaasi Siciid Sulub,Mujaahidad Sahra Halgan,Xoghayaha ku meel gaadhka ah ee garabka dhalinyarada iyo masuuliyiin kale oo aad u tira badan.

Ber 6

Waxaana waftigu uu markii uu soo gaadhay magaalada Barbera uu munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey taageerayaal aad u tira badan oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo ka dhacday xarunta Xisbiga WADDANI ee magaalada Barbera

Ber 10

Ugu horeyna waxaa munaasibadaasi ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,waxaana uu sheegay in uu guddoomiye Cirro iyo waftiga uu hogaaminaayaba uu si balaadhan ugu soo dhawaynaayo magaalada Barbera,isaga oo u sheegay dad weynaha ku dhaqan magaalada Barbera in uu maanta u wado in ay taageeradooda ay siiyaan guddoomiye Cirro,waxaana uu carabka ku dhuftay in guddoomiye Cirro uu uga lexla jeclo badan yahay magaalada Barbera hogaamiyaashii hore ee uu soo gacan qabtay oo uu ka mid ahaaba uu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

“Waxaa laga yaaba in aad tidhaahdaan Siciid Sagaal iyo Toban jeer ayaa uu halkan ka hadlay oo marba qolo ayaa uu sitaa,horta maanta waa goba’dii oo saaxil ayaan sitaa,waxaan sitaa odaygeenii,waxaan sitaa guddoomiyaheenii waxaan sitaa nin reer Saaxil ah,wax badan ayaa inta halkaa ay xoolo ka soo baxaan ayaa wax badan aynu kii yimaadaba aynu is nidhaahnaa kii kale ayaa uu dhaamayaa,kii yimaadaba tuunbada ayaa uu gashada meesha.Mid inaga naxaaya oo inaga dhashay oo inaga ah oo dhibaatada Barbera og oo Saaxil oo dhan saxarkan saaran og oo lax le jecladeena ah, ayaan wata maanta,waxaan idiin sheegayaa waayadii aan halkan ka hadli jiray ee aan KULMIYE ahaa wax badan ayaanu dee idiin sheegnay,wax badan ayaan idhi anigu waxaan ula socday Barbera ayaan uga ula naxayaa haddii uu Daahir ka nixi waayey Siilaanyo ayaa ka nixi doona Barbera ayaan islahaa,Walaahi baanu ka xigee hoos ayaa uu ka sii xigay Daahir Rayaale”Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble

Ber 8

Mid ka mid ah xildhibaanada ku soo biiray oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:

“Hore ayaan isu caddeeyey oo aan isu sheegay in aan ku biiray Xisbiga WADDANI,Hantidaydii ugu qaalisnayd ayaan anigu aan Siyaasad u iibiyey oo waad ogtihiin in aan guryahayga Barbera aan u xaraashay,aniga ayaa soo shaqaystay meelahaas ayaa ay ka yidhaahdaan guryahiisii ayaa uu iibiyey,aniga ayaa soo shaqaystay oo ku keefayaa inta hadhayna Cirro ayaan u xaraashayaa

Mujaahidad Sahra Halgan oo iyaduna sida oo kale halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay soo dhawaynta balaadhan ee dad weynaha reer Barbera ay u sameeyeen waftiga,waxaana ay Xukuumada ku dhaliishay illaalin la’aanta shuruucda dalka u taala,iyada oo carabka ku dhuftay in ay sharci ay jeeb kooda kala soo baxeen ay Xukuumada KULMIYE ay dalka ku maamusho.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay sida qiimaha badan ee aad noo soo dhawayseen,waxaan u malaynayaa in aydaan badidiinu ay daan jirin maalintii aan dalka u so halgamay magaalada Barbera ee aan qolka maydka seexan jiray,waxaan u malaynayaa waxa aynu u soo halgami jirnay waxaa ay ahayd xaqa in wadankan lagu maamulo,Dastuur soo maynaan u codayn sharci soo maynaan u codayn,in laynagu maamulo soo xaq maaha,sharcigaasi waxaa uu dhigayaa in qof wal oo yimaada Madaxweyne noqdaa uu sharciga inagu maamulo,waxa weeye waxaa sharciga ka xaaraan timaysan in dadka guryahooda loogu dhaco,sharcigeenu ma ogala,sharcigan cusub ee ay KULMIYE jeebada kala soo baxeena waxaan leenahay Jeebada ku celiya”Ayey tidhi Mujaahidad Sahra Halgan.
Waxaa sida oo kale halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI oo isna dhankiisa si aada uga mahad celiyey soo dhawaynta balaadhan ee ay kala kulmeen shacabka ku dhaqan magaalada Barbera

Ugu danbayntiina waxaa munaasibadaasi soo afmeeray guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro,waxaana uu ugu horeyn uu si aada ugu mahad celiyey dad waynaha aadka u tirade badnaa ee sida balaadhan u soo dhaweeyey waftiga uu hor kacaayey.
“Waxaanu marka hore aan u mahad naqaynaa aniga oo ka wakiila Xisbiga,madaxdiisa iyo waftigaba sida midaysan ee aanay u kala hadhin ee ay reer Barbera noo soo dhaweeyeen ayaanu ugu mahad celinaynaa rag,dumar iyo waliba Odayaalba. Aniga oo halkaa soo socda ayaa nimbaa wada taagnaa oo dhawaaqayey,waxaa uu igu yidhi dawadii ma sidaa,markii aan Ururka halkan aan ka furnay intaanu Urur noqonin,waxaan idhi Barberi dawo ayaa ay u baahan tahay Dawadii waan idiin sidna ,dawadu waxa weeye Barbera oo midaysan oo mid ah,Barbera oo aan laba ahayn,dawadiina waxaa aanu u soo dhiibnay Siciid Cilmi Rooble,oo dadka ku mudi doona””Ayuu yidhi M:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).

1743732_866874516670079_6808023181818510125_n 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20