Maxaa Ka Jira Guddoomiye Cirro Khaladaad Uu Sameeyay Buu Dib U saxay?

Maxaa Ka Jira Guddoomiye Cirro Khaladaad Uu Sameeyay Buu Dib U saxay?

CIRRO

Hargeysa, (Salaanmedia.coml)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa beeniyay war shalay saxaafada qaarkeed faafiyeen oo sheegayay inuu dib u saxay qodobadii ay muxaafidku ku doodayeen in la khalday ee xeerka diiwaangelinta, golaha guurtidana uu u gudbiyay dib u sixid.
Gudoomiye Cirro jawaaab kooban oo uu ka bixiyay arrintaas mar saxaafada qaarkeed uu u waramayay wuxuu yidhi, “ arrintaa waxba kama jiraan, nidaam ay ku wada shaqeeyaan ayay leeyihiin Golayaasha qaranku, horaa waxa loogu soo qoray saxaafada looguna sawiray, waraaq uu u soo diray Gudoomiyaha Guurtidu 16kii bishii ina dhaaftay hada, markaa aniga oo ixtiramaya wada shaqaynta labada Gole jawaabtii waraaqdaa uu ii soo diray Gudoomiyuhu ayuun baan u diray, xeer cusubna umaan dirin xeerkiina golaha Guurtiduu la yaalaa”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Dhinaca kale Gudoomiye Cirro wuxuu ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay xoriyadooda u soo celiso Sarkaal sare oo ka tirsan xisbigiisa oo lagu xidhay magaalada Hargeysa iyo Weriyayaal ku xidhan degmada Gabilay.“Xukuumadda waxaan ugu baqayaa in la soo dayo Weriyaasha lagu xidhay degmada Gabilay. Waxa kale oo aan ugu baaqayaa xukuumadda inay xoriyadiisa loo soo celiyo Agaasimihii xanaanada xoolaha xisbiga Waddani, waxa laygu yidhi Somaliland Today ayaa xidhay.”Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.