Muddo kordhinta Ma Anaga Ayay Nagu Gubayaan, Mise Madaxweynaha Ayay Ku Karbaashayaan?”

“Maxaanu ka wada hadalaa Cali Khaliif Galaydh, Anigu garan maayo wax aanu ka wada hadalno. Waa reer Somaliland, nin mucaarid ah maaha, jabhad buu sheegtay…”

Saleebaan-Gaal

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inaanay jirin mudo kordhin xukuumadda axmed Siilaanyo ka dalbatay, isla markaana wuxuu tilmaamay inaanu garanayn wax lagala hadlo Cali Khaliif iyo kooxdiisa la baxday khaatumo.
Sidaa Guddoomiye Saleebaan wuxuu ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.“Maxaanu ka wada hadalnaa Cali Khaliif Galaydh. Anigu garan maayo wax aanu ka wada hadalno oo waa reer Somaliland. Nin mucaarid ah maaha, jabhad ayuu sheegtay. Nin Raysal,wasaare ka gaadhay Soomaaliya ismaan lahayn reer ayuu hoos ugu soo noqonayaa oo uu maanta hoggaaminayaa, Had-ba kii kursiga ku fadhiya reer Somaliland ahaado ama Soomaaliya ku doono ha ka tuuro inuu eryado oo uu ka dhacsado waan filayey, laakiin reer ayaan hoggaaminayaa oo Madaxweyne u ahay anigu xil uma arko,”ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan.

Gudoomiye Saleebaan oo ka hadlay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo doonayso muddo kordhin wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi,“Waan idinla yaabanahay sababtu waxa weeye, doorasho 2015-ka joogta ayaynu maanta ka hadlaynaa, aniga waxay ila tahay yaynaan waqti iskaga luminin, maanta meesha kuma jirto. Kuwa intaas suuqa ka lehna run isumay sheegin, dawladduna muddo kordhin ma hadal hayso, anaguna ma hadal hayno iyo Golayaalba intii ay qusaynaysayna waa intaas. Waar anagu mahayno ee illaahay ha na gaadhsiiyo marka ay doorashadu timaado. Muddo kordhinta Ma anaga ayay nagu gubayaan, mise Madaxweynaha ayay ku karbashayaan. Waxay ila tahay mucaaridku waa ninkaas ayda wareegaya ee kursi nin kale ku fadhiya doonaya, kii ku fadhiyayna waa inuu u dul qaato, anaguna waxaas oo kale dheg u dhigimayno oo maalin teediiba maaha. Waxaan ku jawabayaa anigu keligay ma ihi ee anigu Gole ayaan madax u ahay, goluhuna waajibaadkiisii ayuu gutaan.”