Muuse Biixi Beryahan Hadalkiisu Wax Ka Soo Qaad Malaha, Waxa La Garan La’yahay Cidda Musharax Ka Ah Xisbiga KULMIYE

Muuse Biixi Beryahan Hadalkiisu Wax Ka Soo Qaad Malaha, Waxa La Garan La’yahay Cidda Musharax Ka Ah Xisbiga KULMIYE

2131-150x150

Adis ababa, (Salaanmedia.com)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa gashaanka ku dhuftay Guddida Anshax ee Wasiirka wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyi Gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in xukuumadu u samanayso saxaafadda madaxa banaan lana diiwaan gelin doono xarumaha warbaahineed, cashuurna laga qaadi doono, isla markaana
Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed, ayaa sheegay in Xukuumadda Axmed Siilaanyo inay kabaha u gashatay sidii doorashadu ay dib ugu dhicilahayd, kaasoo ku dooday inay sabab u tahay ansixin la’aanta koobishanka cusub ee dhawaan la magacaabay,sidaa wuxuu ku sheegay mar uu xalay khadka Telifoonka waraysi ku siiyay Wargeyska Ogaal, isagoo ku sugan magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya. “Waxaanu u aragnaa in xukuumadda Axmed Siilaanyo hogaamiyo ka war-wareegayso in Dalka doorasho ka dhacdo dalka, taasina suura gali mayso. Runtii Xukuumaddu waxay kabaha u gashatay sidii doorashadu ay dib ugu dhici lahayd. Waxaana u daliil ah inay diidan tahay ama hor taagan tahay ansixinta koobishanka cusub, wuxuu kow ka yahay saansaanta doorashada dib loogu ridayo. Shacabka Somaliland waxay diyaar u yihiin isbadel,”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed.
Muumin Seed wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in xukuumadda Axmed Siilaanyo cadaadis ku saarto sidii ay doorasho dalka uga qaban lahayd wuxuu yidhi,“Laakiin haddii aanu nahay xisbiyada Mucaaridka ah waxaanu diyaar u nahay in doorashada wakhtiga loogu tala galay ay dhacdo. Cidda doonaysa inay doorashadu dib-u-dhacdo waa xukuumadda. Beesha caalamka waxaanu ugu baaqaynaa inay culays ku saarto xukuumadda inay doorashada wakhtigeeda qabato.”
Gudoomiye Muumin wuxuu ugu baaqay xukuumadda Axmed Siilaanyo inay cabudhinta ka dayso saxaafadda madaxa banana wuxuu yidhi, “Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo waxaanu leenahay ka daaya Saxaafada cabudhinta iyo caga Juglaynta. Xeerkaasi waa xeer. Cabudhinaaya Saxaafada madaxa banaan iyo xoriyatul qawlka, markaa wax la aqbali karo. maaha. Ka xisbi Waddani ahaan anagu ma aqoonsanin Guddida uu. Cakuse rabo inuu ku cabudhiyo Saxaafadda madaxa banana.”
Sido kale, Gudoomiyaha oo jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Muuse Biixe oo ku aadanaa in Guddoomiye Cirro aqbalay qodobada la isku hayo ee xeerka cod bixiyaasha doorashooyinka wuxuu yidhi,“Muuse Biixi bar yahan, hadalkiisu wax ka soo qaad malaha. Waayo, xaalada Kulmiye ayaa murugsan oo waxaa la garan la yahay cidda Musharax ah, Muusana, taas ayaa saamaysay noloshiisa. Haday heshiiyaan iyo hadii kalaba anagu waxaan ka rabnaa inay doorashada wakhtigeeda qabtaan.”