Muuse Biixi Oo Caddeeyay In Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Laga Saaray Xisbul-xaakimka

Muuse Biixi Oo Caddeeyay In Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Laga Saaray Xisbul-xaakimka

Muuse1

Hargeysa (Salaanmedia.com)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in ay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble kala noqdeen xubinnimadii xisbiga kadib markii uu si cad uga horyimi barnaamijkii siyaasadeed iyo afkaarta asaasiga ah ee Xisbul-xaakimka.
Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble in uu ku baaqay in ciidamo shisheeye yimaadaan oo ay soo faro-geliyaan arrimaha siyaasadeed ee dalka Somalilanda, taasina ay ka baxsan tahay mabaadi’da xisbigu ku dhisan yahay, sidaa darteedna uu xildhibaanku dibada ka yahay KULMIYE.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sidaasi ku sheegay mar wax laga weydiiyay shir jaraa;id oo uu Isniintii qabtay sida uu u arko Xildhibaan Siciid Cilmi oo ku biiray xisbiga waddani,waxaanu yidhi “Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa Isniintii ku biiray xisbiga WADDANI. Xildhibaan Siciid-na siyaasad cad ayaanu ku kala tagnay iyo wakhtigeedii oo way caddahay. Siciid waxa uu yidhi ciidamo shisheeyoow noo kaalaya, siyaasadda xisbigana waa ka mamnuuc taasi, isaga ayaa ka baxay siyaasaddii xisbiga KULMIYE.”
Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xildhibaanka iyo xisbiga KULMIYE aanay ku wada joogi Karin afkaar ku salaysan ciidamo shisheeye oo Somaliland soo faro-geliya, sidaa daraadeedna uu Siciid Cilmi Rooble doorbiday in cid fikirkaa la qabta oo ay ka midaysan yihiin uu u guuro, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble kuma wada joogi karno shisheeyoow noo kaalaya, dabadeedna waxa uu door biday cid taa la ogol oo ka aqbala in uu u guuro, waanuna isku macasalaamaynay oo waanu isku ognahay, siyaasadda ayaa na kala du’day, Siciid-na taas ayuu u badheedhay.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu intaa ku daray “Annagu dalka annaga ayaa maamulna, in uu shisheeye yimaadana diyaar uma nihin, Siciidna taas ayuu u badheedhay, ciddii ay taa isla ogol yihiin ee siyaasad taa ka dhigatay ayay wada joogi doonaan ee annaga way noo dhamaatay.”
“Dadku haddii ay xisbiyada ku biirayaanna, xisbi mucaarad ahi waa dad urursi oo waa yagleel ee ha iska urursadaan, calaacalkuna waa badan yahay, laakiin waxaynu ogaan doonaa xisbi walba awoodiisa maalinta foodka la galo, haddii ILLAAHAY yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu Isniintii todobaadkan ku qabtay xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyay “Mucaaradku nagama fadallo cadda ee way naga calaacal badan yihiin, waxba maaha waa mucaarid iyo xeerkii, waa la soo wada maray oo way iska dhib badan tahay. Annagu odhan mayno cid baa noo soo gashay iyo hebeloow soo orod, Shiine oo hadda garabkayga fadhiyaaba waxa uu ahaa guddoomiyihii xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi-jeex shalay, laakiin kor uma qaad qaadno oo dee waa nin siyaasi ah oo soo digo rogtay, taasna maciin kama dhigano, waxa aynu gaadhi doonaa cidda fadallo cad cad maalinta food loo dareero.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ay weheliyeen xubno ka tirsan xildhibaanada xisbiga WADDANI ayaa dabayaaqadii bishii hore si wada jir ah ugu baaqay in ciidamo shisheeye ay soo faro-geliyaan arrimaha siyaadda jamhuuriydda Somaliland, mar uu ka hadlayay shir jaraa’id oo ay xildhibaanadda mucaaridka ah ee golaha wakiiladu ku qabteen magaalada Hargeyska, shirkaasi oo ay eedaymo ugu jeedinayeen xukuumadda iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax. Waxaana hadalkaasi ka soo yeedhay xildhibaanka aad uga xumaaday bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo rayil caamka daneeya xasiloonida iyo horumarka Somaliland.