Muuse Bixi Cabdi Oo Sheegay in Boqolaal U Xidhan Yihiin Xukumada Kulmiye, Balse Saxaafiyiintu Yihiin Kuwo Ku Yar Tirada Xidhan

Muuse Bixi Cabdi Oo Sheegay in Boqolaal U Xidhan Yihiin Xukumada Kulmiye, Balse Saxaafiyiintu Yihiin Kuwo Ku Yar Tirada Xidhan

muuse-biiixi

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Hogaanka xusbiga Kulmiye oo kulan uu ku difaacayo xukumada ku yeeshay xarunt dhexe ee xusbiga , kaas oo uu kaga waramay qorsheyaashii ay doorashad ku galeen iyo waxa uga qabsoomay buugii ay ku qoreen qorshe yaashaasi. Kulankan oo aan hogaanka xusbigu u kala hadhin marka loo eego inta ku hadhay xusbiga ee uu hogaamiyo gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenadiisa ayaa haa mid u muuqday ku ay hore u qabteen xubno wasiiro ah oo ku difaacayey dawlada. Sidoo kale waxa uu kulankani ku soo beegmay iyadoo meelaha ay ka mid yihii Wajaale iyo Gabiley lagaga soo horjeestay xukumada iyo xusbigeedaba. Kulanka oo ay ku dadafeeyeen eedaha xusbiga isla markaana ay ugu baaqeen in xusbiyada mucaaridku u
soo jeestaan mucaaridnimo aan lahayn aflagaadayn iyo caytan.
Kulankan oo xubnaha hogaanka xusbigu iska daba maray amaanta xukumada Siilaanyo ee ay dhawan isku dheceen kad ib murankii cida u sharaxan doorashada dambe ee ku hagaya xusbiga Kulmiye uu muran u dhaxeeya Muuse Biixi iyo madaxweyne Siilaanyo uu keenay in la xidhidho xubno xusbiga taageera. Hase ahaatee shirka jaraa’id ee shalay ay ku qabteen xarunta dhexe ee Kulmiye oo saxafiyiinta intii loo ogolaaday in ay weydiiyaan su’aalo ka dib hadalkii dheeraa ee ay iska daba qaateen, ayaa su’aalihii la weydiiyey waxa ka mid ahaa su’aal uu weydiiyey wariye ka tirsan Star TV oo weydiiyey wax ay kaga jawaabayaan in xukumada Kulmiye noqotay xukumadii abid soo marta Somaliland ee xidha diradii ugu badnayd ee saxafiyiin ah iyo in ay tahay tii ugu cabadhunta badnayd.
Gudoomiye Muuse Biixi oo su’aashaas ka jawaabayey ayaa ugu horayn dadafeeyey in aanay xukumada Kulmiye ahayn ta ugu cabudhinta badan dawladihii soo maray Somaliland hase ahaatee ahaa waxa uu qiray oo uu yidhi ‘ta xadhiga saxaafada wey jirtaa’ isagoo sii sharaxaya, isla markaana u muuqday in uu kala cararyey xadhiga suxufiyiinta in uu badan yahay waxa uu gudoomiye Muuse Biixi yidhi ‘Wey jirtaa in ay xidhan yihiin dad badani, boqolaal laakiin saxafiyiinta uma badna’ Hadalkan ayaa noqonaya qirashadii ugu horeysay ee abid laga maqlo masuulintiin xusbiga Kulmiye in xukumadooda ay u xidhan yihiin boqolaal dad ah.