Ogaal: Murtiddii Carraale Waddani

Ogaal: Murtiddii Carraale Waddani

SAW  WADANI

sawirka wadaniMuqdisho iyo Hargeysa way kala xanaaqaan. Gudoomiyaha Guurtida iyo xeerka diiwaangelintu way kala xanaaqaan. Al islaax talada ku milantay, sirdoonkay kala xanaaqaan. Daawadayaasha TV yada, dumarka isu tirinayay kala xanaaqaan. RRU da shacabkay kala xanaaqaan. Maxamuud Xaashi, Muhanadow bay kala xanaaqaan. Khaliifka hawlaha guud, Haasta shidaalka keenta adaa leh iyo khaatumo maxaad ugu jawaabi wayday bay kala xanaaqaan. Ina Raygalka ciyaaraha af ingiriisiday kala xanaaqaan. Cukusena wax kalay kala xanaaqaan. Ina aw Daahir seeraha cid kalaad u xidhaysaa bay kala xanaaqaan. Geeddoole ayaxay kala xanaaqaan. Xuseen ina axmed caydiid cadaaladay kala xanaaqaan. Sheekh khaliilka awqaafta midaynta eeddaankay kala xanaaqaan. Xuseenka macdanta xaqu qalin buu dhuftay bay kala xanaaqaan. Cadami warsangeli baa shirayay kala xanaaqaan. Madoobaha kaluumaysiga, shabaagtii laas qoray baad cuntay bay kala xanaaqaan. Odayga biyaha Xirsi baa kaa dheer bay kala xanaaqaan. Xagla toosiye, Cali khaliif baa Buuhoodle yimi bay kala xanaaqaan. Ina Biixiga khaarajiga waxba maad soo kordhin bay kala xanaaqaan. Xaamud Saylici, Cali iyo Nacnac bay kala xanaaqaan. Casoodka dibu dejinta, xafiiska samafalka madaxtooyadu kuma hoos yimaaday kala xanaaqaan. Abiib tima cad, jidgooyadii jifooyinkay kala xanaaqaan. Jananka booliska, Siilaanyaa kuu khaldamay bay kala xanaaqaan. Shaqalaha millateriga, dhulkaa ma lihid bay kala xanaaqaan. Caddaaniga maaliyada maxaad la oyday bay kala xanaaqaan. Xiirayga asluubta maxaabiis baa baxsatay bay kala xanaaqaan. Talada qaranka iyo qoysku way kala xanaaqaan. Madaxtooyada dumar iyo caruur baa maamula way kala xanaaqaan. Reer miyiga iyo shidaal baadhistu way kala xanaaqaan. OPU da la qoranayo iyo nabadgelyaduna way kala xanaaqaan. Hanti dhawraha dheer masaakiinta ha ku meeraysan bay kala xanaaqaa. Somcable, Ina Geelaha jabuutaa leh bay kala xanaaqaan. Fanaaniinta dawladda, xidigaha geeskaa idinka wanaagsan bay kala xanaaqaan. Qurba jooga iyo qolqol joogu way kala xanaaqaan. Miskiin tuugsanaya, ma hayay kala xanaaqaan. Aniga iyo dantayduna waanu kala xanaaqnaa.