Qaramadda Midoobay Oo Wallaac Ka Muujisay Qalalaasaha Ka Alloosmay Baarlamaanka Somaliland Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Dimoqraadiyada Iyo Doorashooyinka

Qaramadda Midoobay Oo Wallaac Ka Muujisay Qalalaasaha Ka Alloosmay Baarlamaanka Somaliland Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Dimoqraadiyada Iyo Doorashooyinka

Qaramada

Wakaaladaha Wararka-(Salaanmedia.com)- Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay qalalaasaha Sabtidii shalay ka dhacay gudaha xarunta baarlamaanka Somaliland xilli la isku diyaarinayay qabsoomida doorashooyinka la filayo in ay dhawaan qabsoonto, sidaana waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiskiisa. War-saxaafadeedkan waxa uu tibaaxay in xildhibaanadda golaha wakiiladda ee la xidhay ay dhalin karaan suurta-galnimada khasaarooyin kale, waxaanu sheegay in horumarka ay Somaliland ka samaysay doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda ay rabshadahan shalay dhacay ay dib u celin karaa., waxaanu ugu baaqay dhammaan dhinacyadda iyo xisbiyadda in ay is xakameeyaan iyaga oo muhiimadda koowaad siinaya xushmaynta dimoqraadiyada. “Jamhuuriyadda Somaliland waxay horumar ka sameyneysay doorashooyinka dimuqraadiga ah, sidaa awgeed

rabshadahani waxay dib u celinayaan horumarka. Rabshadaha waxay dib u celin karaan horumarrada la gaaray,” ayuu Danjire Nicholas Kay, ku yidhi war-saxaafadeedkiisan qoralka ah.