Qiso: Qufulladii jacaylka

Qiso: Qufulladii jacaylka

Qufuladii Love

Dadka is jecel waxa ay xidhaan qufullo, kadibna furaha waxa ay ku tuuraan webiga.
Buundada fanka (Bontadizar) ee ku taalla magaala madaxda dalka Faransiiska ee Paris waa halka ugu wayn ee laga helo magacyada dadka mucaashaqiinta ah.
Buundadan waa meel dadka dalxiiska ku yimaada ay quful macdan ah intay xidhaan ay furaha ku ridaan webiga, iyaga oo aaminsan in qofkii sidaa sameeya uu qofkii uu nolosha la wadaagi lahaa uu helayo.
Magaalada Paris waxa ay isku dayday in ay dhaqankan foosha xun la dagaalanto oo ay baa’bi’iso, laakiin haddana waxa ay aragtay in ay ugu jirto dan.
Taariikhyahannadu way isku maan dhaafeen salaynta halka ay ka soo billaabatay sheekadani.
Fanaanka reer France ee lagu magacaabo Alphred isaga oo la hadlayay wargayska (Sharqal Awsat) waxa uu sheegay in arintan asalkeedu u laabanayo sheeko jacayl oo qiima badan oo ka dhacday tuulada (Panjika) ee dalka Serbis, isla markaana dhex martay haweenay macallimad ahayd laguna magacaabayay (Nada) iyo nin askari ahaa magaciisuna ahaa (Yalga), labadan lamaane waxaa dhex maray jacayl aad u qota dheer, nasiib xumo muddo kadib ninkii askariga ahaa waxaa uu howl shaqo u aaday dalka Greece, halkaasna waxa uu ka bartay haweenay u dhalatay dalkaa, wayna is guursadeen, arrintaas macallimaddii waxay ku noqotay uur ku taallo ay u god gasho qisada xanuunka badan ee uu sameeyay lammaanihii ay nolosha ku aamintay.
Sida ay taariikhdu sheegayso halkan qufullada lagu xidhayo waxa ay ahayd halkii ay ku kulmi jireen labadan mucaashaq ee gabagabadii calafku kala kaxeeyay.
Laakiin sheekada xilligina dambe soo korodhay in qufullada jacaylka waxaa loogu magac daray riwaayadii lagu qabtay dalka talyaaniga ee lagu magacaabayay (3 mitir cirka ka kor), taas oo la qabtay sanmadkii 1992-kii.
Arrintan qufullada jacaylka kuma koobna kaliya dalka Faransiiska, laakiin waxa ay sheekadu gaadhay waddamado kale sida: Canada, Germany iyo Rusia.