QURBA JOGA GOBOLKA TOGDHEER OO TACSI U DIRAY DADKII KU WAX YEELOOBAY XASUUQII XUKUUMADA SIILAANYO KA GEYSATAY MAGALADA BURCO

 Shir ay isugu yimadeen qurba jooga reer togdheer oo ka dhacay magalada london waxay cod dheer ku canbareeyeen falkii foosha xumaa ee waxshinimada ahaa kaas oo muwaadiniinta reer somaliland qaarna lagu laayay qaarna lagu dhaawacay waxaa ayaan daro ah ayay yidhahdeen in xukuumadii lasoo doortay ee dadku cod kooda siiyeen ay ugu abaal gudo inay dhiigooda daadiso qaar xabsiyada dhigto qaar kalana hantidooda boobto waxaanu u sheegaynaa cida waxan samaynaysa iyo cida ka dambaysaba inay iman doonto maalin cadaalada la horkeeni doono waxaanu leenahay halaga daayo shacabka dhibaata iyo axmaqnimada lagu hayo habeen iyo maalin waxaanu bulshada reer somaliland kula talinaynaa inay ilashadaan qaranimada wadajirka iyo walaal nimadooda waxaanu kula talinaynaa inaanay mar dambe qalad gelin oo aanay codkooda ku khasarayn kulmiye waxaanu hambalyo u diraynaa xildhibaanad gobolka awdal ee diiday xaqdarada iyo burburinta ay xukuumada siilaanyo ku hayso golaha barlamaanka jamhuuriyada somaliland waxaanu si buuxda u taageeraynaa baaqii uu soo saaray chief caaqilka gobolka togdheer chief caaqil farax chief caaqil cabdilahi muuse
Waxaanu ilahay uga baryaynaa inuu u naxariisto intii dhimatay ehekii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo inta dhaawaca ahna ilahay cafimaad deg dega siiyo

Wa billahi tawfiiq
Qurba jooga reer Togdheerimage image