Salaadiinta Iyo Cuqaasha Beesha Dagta Gobolka Saaxiil Oo Cod Midaysan Baaq Ugu Diray Madaxwaynaha Somaliland.

Salaadiinta Iyo Cuqaasha Beesha Dagta Gobolka Saaxiil Oo Cod Midaysan Baaq Ugu Diray Madaxwaynaha Somaliland.

Sacad%20Muuse

Hargaysa(Salaanmedia.com)Salaadiinta Cuqaasha Wax garadka kasoo Jeeda Deegaanka Gobolka Saaxiil ee Beesh Ciisa Muuse oo ka hadashay Askari Ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Sida ay shegeen Qorshe Loo Maleegay Lagu Dilay.
Waxa ay Xukuumada Cod midaysan ugu shegeen in ay Uga Fadhiyaan in ay Qanciso,waxaana Ay Soo jeediyeen in aanay Xukuumadu Dadka Shacabka ah isku siiday.

Sidoo kale waxa ay intaas raaciyeen In Xukuumadu ka horjoogsatay Ehelkii uu Marxuumku ka dhintay in ay ka qayb galaan aaska waxaana ay Arinkaas Ka muujiyeen Walaac Xoogan.
Cali Cabdi Laahi Cismaan oo ka Mid ah Madax Dhaqmeedka Beesh Dagta Gobolka Saaxil ayaa waxa uu Hadalkiisa

ku bilaabay Sidan.
“Xukuumadu waxa ay Noola Hadashay Hadal u eeg Fasax ayaad isku tihiin,Anaguna Hadaanu Nahay Odayaal waxa ay nala Noqotay inaanu ilaalino Nabada Galiyada,Markaas waxaanu leenahay Hadaanu Ninku ku Dhiman Dagaal uu ku jiro ee ku Dhintay Gacan Ka xaq darani Dishay waa in Sharciga La hor keenaa Ninkaas,Sidaas Darteen Godobtu Meesha ay Gashay waanu Naqaan Magaalo Kastana Way Nala Joogaan Madaxwayne Hadii Askariga Ciidanka Ka dhinta Cidi Daryeelayn Waa Looga Dareeri.
Cali Cabdilaahi Cismaan Oo Hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.Masuuliyadan Cidii lahayd Namay Qanci Markaas Madaxwayne Arinkaas Ayaanu Kaala Hadlaynaa ee Ogow,Nabad Galiyo Daro Mawadno,Wax qaranka Kasoo Horjeeda ma wadno Lakiin In nala Qanciyo waanu idinka Doonaynaa,Dadkuna Way wada dagaane Yaan la isku siidayn Ayaan odhan lahaa.
Cismaan Rooble Maxamed oo isna ka mid ah Salaadiinta Dagta Gobolka Saaxil ayaa waxa uu Xukuumada usoo jeediyay in Arinkan Dilka ah ka hawl gasho waxaana uu yidhi.
“Maanta Halkan waxaanu u fadhinaa Inaanu Baaq U dirno cid kasta oo ay Qusayso Arintan aanu ka hadlaynaa,Waxaana leenahay Xukuumadu Naga May Yeelin Sidii ay ka yeeshay Askarigii Lagu Dilay Dagmada Arabsiyo,waxaanu Maanta Leenahay Dadku waa isku Mid Ee Talaabo Halaga Qaado,Anaguna Hadaanu Nahay Dadkii Laga Dilay Ninka Waxaan Xukuumada uga fadhinaa in ay noo soo qabto Gacan ku dhiiglaha.
Dhinaca Kale Xuseen Maxamed Ducaale oo ah Marxuumka La dilay Walaalkii ayaa isna waxa uu sheegay.
“Anigu Ciidanka Jamuuriyada somaliland ee jooga Jiida Hore iyo Kuwa kaleba Waan Salaamayaa,Waanan Ka tacsiyadaynayaa Geeridaas Ku timid,Anagu Hadaanu Nahay Walaaladii Manaan Aarsan Kari waayin,Kuwii Hore ee naga dhintayna Kamaanu Nixin Lakiin kan waanu ka naxnay oo gacan ka xaq-daran ayaa ku dishay Saax-dheer.
Waxaana uu intaas ku daray Xuseen Maxamed Ducaale”Ninkani waxa uu ahaa Mujaahid,waxaana uu ka mid ahaa Ciidanka Maxamed Cali waxa uu ku dhawaac may Hargaysa,waxa uu ku dhawaac may oodwayne, waxa uu ku dhawaac may Ceerigaabo,Maantana Waxa uu ku dhintay Ceerigaabo Aad Ayaan uga Xumay,Dawladuna Kamay Qaadin Miiskii uu yaalay.
Suldaan Sayd Jaamac Warsame oo isna Shirkaas jaraa’id ee ay ku qabteen Magaalada Hargaysa ka hadlay ayaa waxa uu Xukuumada Baaq U diray Waxaana uu yidhi.
“Waftigii Halkan ka baxay ee doonayay in ay Maydka Soo Asaan waxa lagu joojiyay Oog waxaana loo diiday in ay ka qayb galaan,Arinkaasina waa Fool Xumo Xukuumada usoo hoyatay,Waxaana Naga Go’an in Beeshu iyo Odayaashu ilaaliyaan Nabada,Waxaanan Ku Talinayaa yaan Dadka wada Yaala la isku fasaxin ee sida uu yahay arinku Xukuumadu wax ha uga qabato,Hana Qanciso reerkan uu Marxuumku ka dhintay,Dadkuna Cadaalad ayuu Doonayaa Taasna Mataalba.
Hadalka Ka Soo yeedhay Salaadiinta Ayaa waxa uu kusoo Beegmayaa Markii Askari Ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamuuriyada somaliland ee ku sugan Deegaanka Saax-dheer Ay dileen Maleeshiyaad Beleed-yo waxaana ay Xukuumadu usoo jeediyeen in ay sida Ugu Dhakhsaha Badan wax looga Qabto.