Sanad Guuradii 11 aad Ee Ka Soo Wareegta Geeridii Madadxweynihii U Horeeyay Jamhuuiyada Soomali Land Muj C/Raxmaan Axmed Cali Oo Maanta ku beegan 8/11/2003 Geeridii ilhn.C/raxman Axmed Cali Tuur

Sanad Guuradii 11 aad Ee Ka Soo Wareegta Geeridii Madadxweynihii U Horeeyay Jamhuuiyada Soomali Land Muj C/Raxmaan Axmed Cali Oo Maanta ku beegan 8/11/2003 Geeridii ilhn.C/raxman Axmed Cali Tuur

tur

Allaha u naxariistee.Cabdiraxman Axmed Cali oo loo yaqaaney Cabdiraxman Tuur ahaana siyaasi weyn oo Soomaaliyeed, jagooyin badanna ka soo qabtey Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu bsihii November 8dii ku geeriyoodey magaalada London.

Allaha u naxariistee, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) wuxuu ku dhashay miyiga hawdka magaalada Burco, qiyaastii sida dad eheladiisii noo sheegeen, kun sagaal boqol iyo dhawr iyo labaatankii.

Walaalkii Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabihii waxbarashada Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan ka soo kaxeeyay miyiga oo ku daray dugsiga, iyagoo isku fasal noqday rag kale oo uu ugu magic dheeraa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waqtigaasi wuxuu ku aaddanaa 1943kii ayuu Cabdiraxman ku biirey dugsiga caanka ah ee sheekh. Wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali arday ku fiicn waxbarashada iyo ispoortigaba oo marnaba aan laga qaadi jirin kaalinta kowaad.

Cabdiraxmaan Axmed Cali alla ha u naxariistee markii uu dhammeystay waxbarashadiisii dugsiga dhexe ee sheekh wuxuu waxbarashadii dugsiga sare ku soo dhammeystay dugsi sare oo la yidhaahdo XANTUUB oo ku yaalla dalka Sudan, magaalada Khartuum.

Wuxuu kadib diploma sare oo ah cilmiga maamulka ku soo qaatay jaamicadda la yidhaahdo EXETER UNIVERSITY ee dalka Britain. Somaliland ayuu Cabdiraxmaan ku soo laabtay wuxuuna noqday kaaliyaha DC-ga Boorama oo ahayd shaqadiisii ugu horreysay.

Sanooyinkii 1961-1963kii wuxuu noqdey Guddoomiyaha Gobolka woqooyi Bari ee magaalo madaxda ay u ahayd Burco ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Sanadkii 1964kii wuxuu kaloo noqday Guddoomiyaha Gobolkii Woqooyi Galbeed ee Hargeysa ay magaalo madaxda u ahayd ee Jaamhuuriyaddii Soomaaliya, iyadoo isla sannadkaasi uu noqday Safiirkii Soomaaliya ee Sudan oo loo beddelay Khartuum.

Sanadkii 1968kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ka qayb galay doorashadii baarlamaanka ee Soomaaliya isagoo furtay xisbi oo iska soo sharaxay magaalada Burco, laakiin kumuu soo bixin doorashadii.

Cabdiraxmaan wuxuu mar kale ku noqday shaqadiisii Safiirnnimada isagoo mudadii u dhaxeysay 1969kii ilaa iyo 1977kii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Addis-ababa ee dalka Ethiopia .

Sanadkii 1978kii wuxuu kaloo noqday safiirkii Soomaaliya ee Barlin ee Jarmalkii Bari, isagoo markii danbena noqday Danjiraha Somaliya ee Imaaraadka Carabta oo uu joogay ilaa iyo 1984kii, xilligaasi oo uu ka goostay dawladdii Siyaad Bare kuna biiray ururkii xaqu dirirka SNM.

Cabraxmaan Tuur isla sannadkaasi 1984kii wuxuu noqday wakiilka SNM ee Yurub oo fadhigiisuna ahaa London. April 1990kii waxaa loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali Guddoomiyaha SNM isagoo xilka kala wareegay gudoomiyihi snm Axmed Siilaanyo. iminkana ah madaxwaynaha somaliland

c/raxman axmed cali ilhn. wuxuu lix bilood kadib ku guulaystay inuu talliskii siyaad bare ka xoreeyo goboladii la odhan jiray waqooyi ee somaliland

May 1991kii waxaa Cabdiraxmaan Tuur loogu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland inuu ahaado madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda loo bixiyay Somaliland muddo labo sano ah.

Shantii May 1993kii shirweynihii kale ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama waxaa Cabdiraxmaan Tuur uu xilkii ku wareejiyay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo shirku u doortay madaxweynaha Somaliland.

Alla ha u naxariistee maydka marxuumka waxaa la keenay magaalada Hargeysa 13ka November 2003 iyadoo halkaasi loogu sameeyay aaas qaran ,,,, ilaahay qabriga ha u waasiciyo danbigiisana ilaahay ha dhaafo aalahuma aamiin