SHALAY: Badheedhihii Badbaadinta Ee Mudanayaasha Awdal Iyo Sellel

SHALAY: Badheedhihii Badbaadinta Ee Mudanayaasha Awdal Iyo Sellel

Awadal

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha wakiiladda kaga jira Gobolada Awdal iyo Selel oo ka mid ahaa xildhibaanada Muxaafidka ah ee Saxeexay Mooshinkii xilka lagaga tuurayay Guddoomiye Cirro, ayaa arooryadii hore ee shalay sheegay inay ka noqdeen ka mid ahaanshihii mooshinkaa dalka xiisada geliyay, isla markaana waxay ku dhawaaqeen inay sidaa u yeeleen maslaxada guud iyo danta dalka iyo dadka.
Xildhibaanadan oo qaatay qaraar geesinimo leh oo dejiyay xaaladii kacsanayd, waxay ku baaqeen in la isugu yimaado miiska wadahadalka si loo furdaamiyo xaalada uu dalku ku sugan yahay waqtigan xaadiranka ah, loona soo afjaro khilaafaadka.
Xildhabaanadaa shirkajaraaid qabtay ayaa sheegay, inay u arkaan mooshinkan iyo nooca loo wadaaba inay yihiin mid khalad ku jiro.Xildhibaanadaa waxay tiradoodu ahayd 8 xildhibaan.
Ugu horayn waxa madashaa ka hadlay, Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo sheegay inay doonayaan in ay dalka ka saaraan xaaladan uu ku sugan yahay.“Waxaanu halkan isugu nimi anagoo ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Selel, oo waliba ah xildhibaanada ku abtirsanayay xisbul-xaakimka KULMIYE.Waxay nala noqotay markaanu dhinac walba ka rogrognay in mooshinka golaha la geeyay, marka sida maanta loo wado loo dhigo aanuu dan inoo ahayn.Markaan leeyahay dan inooma aha, waxaan ka hadlayaa qaranka Somaliland, xisbul-xaakiimka iyo Mucaaridka dan uma aha oo soomalidu waxay ku maahmaahda, “Tolkaa taagta looguma taliyo”, waxa kale oo ay soomaalidu tidhaahda “Walaal Yeelkiibaa lagu dhaqaa”.

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale ku baaqay in la dhammeeyo khilaafka golaha dhexyaalo, waxaanuu yidhi,“Somaliland maanta waxay maraysaa xaalad xasaasiya, oo duruufo inagu gadaaman yihiin oo waliba hay’adihii dalka ugu sareeyay uu muran ka dhex bilaabmay, dani inooguma jirto ayaanu aaminsan nahay.Waxay markaa anaga nala noqotay in aanu ka noqono mooshinkii oo aanu nidhaahno waar bahalka cagta u dhigga. gudoomiyaha iyo mucaaridkiisa waxaanu leenahay gudoomiye waxa ku doortay majoorati, haddii majooratigu kaa horyimaado awood ku haysan maysid, laakiin sifo sharci ah in loo maro ayaanu anigu danaynaynaa.Waxay nala noqotay anagoo og Soomaaliya waxaa maanta ka taagan,oo duni inoo qaylisaa aanay