SHALAY: Golaha Wakiiladda Iyo Fadhigoodii

SHALAY: Golaha Wakiiladda Iyo Fadhigoodii

halkan

Hargaysa, (Salaanmedia.com)-Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada Jamuuriyada Somaliland oo Uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha wakiilada ayaa Mudanayaasha loogu qaybiyay ajandaha Kal fadhiga 26aad Ee golahaa.
Fadhigan oo ay Kasoo xaadireen Xildhibaano Badan ayaa waxa loo qaybiyay Sagaal Qodob oo uu ugu Horeeyo Ansixinta kumiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Mudo Badan Mucaaradka iyo Muxaafidku isku Maan-dhaafsanayeen. Qodobada Mudanayaasha Golaha wakiilada loo qaybiyay ayaa waxa uu ka Koobnaa Sagaal Qodob waxaana uu u dhignaa Sidan.
1 :-Ansixinta kumiishanka Doorashooyinka qaranka.
2:-Warbixinta Shirguddoonk,Gudida Joogta ah iyo Gudidayada Golaha wakiilada.
3:-Xogogaal u Noqoshada Xaalada Dalka
4:-Mashaariicda Sharci ee golaha Horyaala
5:-u yeedhista Masuuliyiinta Qaranka
6 :-Ansixinta Masuuliyiinta qaranka
7:-Xeererka Golaha Guurtida kasoo Noqda
8:-Xeerarka Madaxwaynaha Kasoo Noqda ee aanu saxeexin iyo Wixii kale.
Gaba-Gabadii Marka loo qaybiyay Xildhibaanada Kal fadhigii 26taanad ee golaha Waxa fadhiga xidhay Guddoomiyaha Golaha waxaana loo balamay Maalinta Bari Ah Fadhiga.