Shan Xildhibaan iyo Afar Suxuf Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Shan Xildhibaan iyo Afar Suxuf Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Brol news

(Salaanmedia.com)-Warar hada soo gaadhay warqabada Wargeyska Ogaal ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay ugu yaraan afar mudane oo ka tirsan golaha barlamaanka kana tirsan xisbiga wadani.
Xildhibaanada Xabsiga loo taxaabay waxaa ka mid ah Xildhibaan Ibraahim Mahdi buubaa, Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Maxamed Saalax, Bashiir Tukaale iyo Jaamac Xasan Aadan.
Waxaa kale oo ciidamadu ay xidheen ugu yaraan 4 suxufi oo halkaasi ka agdhawaa.
Mudaneyaasha la xidhay ayaa doonayay in ay uu gaadiidka ay wateen ay fuulaan iyagoo kasoo baxay hotelka imperial oo uu shir jaraaid ku qabtay gudoomiye cirro balse dad badan oo meesha ku sugnaa ayaa mudaneyaasha soo raacay hase ahaatee ciidankii halkaasi ku sugnaa ayaa gacanta ku dhigay oo xabsiga xidhay masuuliyiinta iyo suxufiyiinta gudanayay hawshooda shaqo.
Wararka ee dhacadadan ka soo korodh la soco….