“Tawfiiq La’aan Ayaan Uga Baxay Kulmiye, Waa La Isku Haystaa, Waa La Is Cunayaa..”Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

“Tawfiiq La’aan Ayaan Uga Baxay Kulmiye, Waa La Isku Haystaa, Waa La Is Cunayaa..”Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE uu uga baxay khilaaf ilaa hadda ka dhex taagan oo aan dhamaan, sidaa wuxuu ka sheegay mar uu shalay la hadlayay taageerayaasha xisbiga waddani ee magaalada Burco.“Xukuumaddani way ka baqday doorashadii, laakiin waa inay doorashadii dhacdaa oo maalin in lagu daro ma ogolin. Anigu muddo dheer ayaan KULMIYE ahaa oo aan qaylinayey oo aad I maqlayseen. Maxaan KULMIYE uga baxay. Taw fiiq la’aan ayaan uga baxay Kulmiye, waa la isku haystaa, waa la is cunayaa oo balaayo ayaa isku dhex jirta oo meeshaa imtaxaan ayaa yaala. Nimanka xusbi u talin kari wayey miyay qaran u talin karaan. Waddani waxaan ku raacay tawfiiq. Anigu mucaarid dheer ayaan ahaa, weli mucaaridadaa Waddani mid ka rajo dhaw ma arag oo lix bilood ka bacdi dalka waynu haysanaa,”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaanku wuxuu intaa ku daray oo uu sii raaciyey hadalkiisa sidan,“Qoladii tahriibaysay waxaan leeyahay Waddani u soo tahriiba. Cadaalad ayaa taalo oo wax badan ayaynu samaynaynaa. Waxaan leeyahay Burcooy adiga oo isku dhan barigaaga iyo galbeedkaba codka waddani wada siiya.”