Telefiishanka Horn Cable TV Uga Soo Warama Gobolka Gabiley Iyo Sababaha Xadhigiisa La La Xidhiidhinayo

Telefiishanka Horn Cable TV Uga Soo Warama Gobolka Gabiley Iyo Sababaha Xadhigiisa La La Xidhiidhinayo

wariyaha-la-xidhay

Gabiley(Salaanmedia.com):-Weriyihii Telefishanka Horn Cable TV ee Gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim ayaa caawa xabsiga loo taxaabay, kadib markii uu maanta Telefishanka Horn Cable TV ka sii daayay war aan xaqiiqdiisu raali-gelin xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Axmed-Siilanyo Iyo Xisbul-xaakimkiisa KULMIYE .
Xafladaasi oo ay maamulka Gobolka Iyo ka degmada Gabiley ay taageero ugu raadinayeen Xisbiga talada haya ee KULMIYE xili dadweynaha reer Gabiley dhabarka u sii Jeediyeen Xisbul-xaakimka iyo xukuumaddiisa-ba .
Xaflad maanta dhalinyaro badani hor-Istaagtay Inay si rasmi ah u qabsoonto waxa aanay hoolka Xafladani ka dhacaysay albaabkiisa hore ku hor Gubeen Astaanta Xisbiga Kulmiye Iyada Oo Dhalinyarada qaar kalana ay kabaha ay xidhnaayeen ku masaxanayay .

Xadhiga Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim ayaa ka danbeeyay, kadib markii uu Telefiishanka Horn Cable TV ka baahiyay warkaasi oo ay dhibsatay xukuumadda talada haysa ee ku abtirsata xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale,Badhasaabka Gobolka Gabiley oo aanu Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaan noo caddeeyay Inay Weriye Mukhtaar u xidheen dacwad uu ka soo gudbiyay Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Gobolka Gabiley, isla markaana ku dooday inay Weriyaha la tiigsan doonaan , maxkamada sharciga ah