Wafti Heer Sare Ah Oo Ay Hogaaminayaan Afar Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Ethiopia Oo Galabta Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa

Wafti Heer Sare Ah Oo Ay Hogaaminayaan Afar Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Ethiopia Oo Galabta Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa

news22

Hargeisa-(Salaanmedia.com)- Wefti ay hogaaminayaan Afar Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Ethiopia, ayaa galabta ka soo dagey garoonnka Diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa. Xubnaha weftigan Wasiiradda ah oo ka kooban Wasiirka Maalliyada, Wasuurul Dawlaha Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidka iyo xubno kaleWasiirka Maaliyadda, Wasiiru dawlaha Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidka iyo xubno kale oo heerkoodu sareeyo oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha u sareeya Hay’addaha aadka u muhiimka ah ee dalka Ethiopia ee qaabilsan Gaadiidka, tareenadda, iyo korantada. Waftigan heerka sare ah waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiiradda arrimaha dibadda iyo Maaliyadda ee Somaliland, waxanay kulammo la qaadan doonaan madaxda sare ee Xukuumadda Somaliland
WIXII WARAR AH EE HADBA KA SOO KORDHA KALA SOCO SHABEKADA SALAANMEDIA.COM