Wallaalayaal Waa In Aynu U Midowno Sidaynu Qarankan u badbaadin lahayn

Wallaalayaal Waa In Aynu U Midowno Sidaynu Qarankan u badbaadin lahayn

Cabdi-cali

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeen ee xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Guddoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray),ayaa Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay nin ka hiiliyay shacabka iyo xisbigii uu ka soo baxay ee KULMIYE, isla markaana u hiiliyay shaqsi dano gaar ka leh.

Masuuliyiintani waxay sidaa ka sheegeen munaasibad shalay loo sameeyay Taageerayaal xisbiga UCID ku soo biiray oo ka soo diga rogtay xisbiga KULMIYE. “Waxaan idin qirayaa inaad Madaxweyne Siilaanyo u hiiliseen, laakiin isagu idiinmu hiilin ee wuu idinka hiiliyay, oo wuxuu ka hiiliyay shacabka reer Somaliland oo dhan.Cid kale iska daa Madaxweynuhu wuxuu ka hiiliyay xisbigii uu ka soo baxay ee KULMIYE, balse waxaa la isweydiinayaa Madaxweynuhu uu u hiiliyay?, wuxuu u hiiliyay shaqsiyaad hankooduba aanu dhaafsiisanayn lacag urursi, oo haba urursadaanee, haday Somaliland u lacag urursanayaan waxba may ahaateen, waxay u lacag urursanayaan Yurub iyo Maraykan.”ayuu yidhi Cali Guray. wuxuu hadalkiisaa sii raaciyay, “Dad baa qabyaalad ka dhiga oo yidhaahda reer hebel oo dhan baa taageersan, waar reer hebel oo dhami ma taageersannaa oo Burco aniga tagnay, Beriga Burco aniga aragnay.Dalka masiibadani way ku wada dhacday, marka laga reebo dad fara ku tiris ah.Maanta hadii aad aragto nin toos u raacsan xukuumadda xanjo ayaa meel ugu dhegan, waxbuu meel yar ka cunaa, qandaraasyo ayaa la siiyay, meelbuu lacag ka helay, waa dan shaqsi waxaa maanta xukuumada loo taageerayaa.”
Guddoomiyuhu wuxuu taageerayaasha ku soo biiray ku booriyay in loo midoobo badbaadinta Qaranka “Marka walaalayaan waa in aynu u midownaa sidii aynu qarankeena u badbaadin lahayn, majaraha siyaasadeed ee qarankeenana aynu u toosin lahayn waa muhiim.” Dhinaca kale, Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo madasha ka hadlay ayaa u hambalyeeyay Taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga, waxaaanuu yidhi, “Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa dhalinyarada ganacsatada ah ee suuqa Gobanimo iyo xaafada 26-june ee gartay in hiilkii ay u hiiliyeen KULMIYE la gaadhay waqtigii ay ka go’aan qaadan lahayeen, in aanu hiilkoodu mar dambe cidlo ku dhicin.Waxay garteen in hiilkii ay hiiliyeen aanu Somaliland u hiilin, aanu shacabku u hiilin, aanu xisbigii uu ka soo baxay u hiilin.