Wardegdeg ah:Qeybo Badan Oo Kamid ah Bakhaaarada Tog-aWajaale Oo Gubtey iyo Mudaharaad Balaadhan Oo Dadweynuhu kala Hortageen Maamulka

Wardegdeg ah:Qeybo Badan Oo Kamid ah Bakhaaarada Tog-aWajaale Oo Gubtey iyo Mudaharaad Balaadhan Oo Dadweynuhu kala Hortageen Maamulka

breaking(3)

Tog-Wajaale(Salaanmedia.com)-Magaala Ganacsiyeeda Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland,qeybo badan oo kamid ah Bakhaarada Gudaha Magaalada ayaa dab qabsadey suuqa Bariga Magaalada dabkaas oo builaabmay abaaro tobankii subaxnimo islamarkaana, socday ilaa laba iyo tobankii iyo badhkii duhurnimo ayaa, khasaare culus geystey kadib markii ay ku gubteen guryo badan iyo agab hoos yaaley halkaasi.

Dadweynaha kunool Magaalada Tog-Wajaale ee ku taala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya ayaa, mudaharaad balaadhan kaga jawaabey gurmad la,aanta dabka xoogan ee ka kacey gudaha Magaalada Gaar ahaana suuq bari oo gubanayay ilaa sadex saacadood iyo dheeraad taas, oo dadweynuhu dirqi iyo far cideed ku bakhtiiyeen dabkaasi oo galaaftey dhisnmayaal badan islamarkaana, ay ka sigatey Magaalada inteeda badan, waxaana guud ahaanba cabsi weyni

soo food saartey dhamaanba Meheradaha kuyaala nawaaxigaasi dabku kacey ee Suuq Bari dhinaca Magaalada Tog-Wajaale ee Somaliland, waxaana guryaha lagaga gurey agabkii iyo badeecadihii dhexyaaley tunka, iyadoo lagala cararayo Dabka.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga Khasaaraha dhabta ah ee ku yimid Dabka ka kacey bakhaarada inkastoo aanay jirin habayraatee dad ku gubtey dabkaasi iyo kuwa ku dhintey hadana, marka loo eego guryaha ku gubtey iyo hantida ku gubatey lama yareysan karo khasaaraha ka dhashey, waxaanay taasi sababtey gadood badan oo lagula Maamulkaasi Degmada Tog-Wajaale waxaanay wararka nooga imanaya Magaalada Tog-Wajaale tibaaxeen in dadweynuhu shiideen baabuur dabdamis ah oo markii xeedho iyo fandhaal kala dhaceen dhinaca Gabiley ka yimid.