WARIYE MAXAMED CABDILAAHI SOOFADHIISTE OO MARDHAWAYD BILAYSKA BERBERI U TAXAABEEN SALDHIGA DHEXE

WARIYE MAXAMED CABDILAAHI SOOFADHIISTE OO MARDHAWAYD BILAYSKA BERBERI U TAXAABEEN SALDHIGA DHEXE

news22

Berbera(Salaanmedia.com) Ciidamada Bilayska ee Magaalada Berbera ayaa mardhawayd Saldhiga Bilayska Ku Xidhay Wariye Maxamad Cabdilaahi Soofadhiiste kadib markii uu tagay Warna u Doontay xarunta Seeraha Xoolaha loogu talo galay in lagu xanaaneeyo ee Dhismihiisu ka Socdo Meel u Dhaw Kaantaroolka bariga Berbera, Waxaana La xaqioijiyay in Goobtaasi Saaka ay Soo Weeraraeen Kooxoku Hubaysnaa Faashash ,Tooriyo iyo Budhadh, Inkastoo la Sheegayo in aanay Hubka lasoo Bixin ee ay Baabuurta u saarnaayeen, Goobta Ayaa Waxa Ku Sugnaa Ciidamo Bilaysa Laakiin aan Awood u lahayn in ay Hor Istaagaan Ninmankaa Weewrarka Soo Qaaday Kuwaasi oo ka Socday Shirkada Ilma Indho Deero oo Iyagu Dhawaanahanba dacwad Ku Furay Seerahaa Xoolaha lagu xanaaneeyo ee Dhismihiisu Socdo, Waxaana La Sheegayaa Illaa Sadex Qof in Dhaawacyo

kala Duwani Soo gaadheen ,
Ciidamada Bilayska Berbera oo Tiro badan Ayaa tagay markii danbe oo La Wareegay amaankii Meesha, Waxa Iyaguna ka hawlgalay xalinta Goobtaasi Madaxda Gobolka Saaxil oo uu Hogaaminayay Badhsaabka Gobolka Fahmi cabdi Bidaar,
Hadaba Arinkan Ayaaad Moodaa In xukuumada sare ee somaliland aay tarabuunka ka daawanayso sababtoo ah Waxa Waxa In badan laga hadlay Is mariwaaga Labada Dhinac oo laga Digay in gacan ka hadal Iman Doono,
Wixii Warara ee kasoo Kordhana Si dhakhso ah ayaanu idiinku Soo Gudbin Doonaa