Warsaxaafadeed:- Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Oo Si Rasmiya Hargaysa Loogaga Dhawaaqay

Warsaxaafadeed:- Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Oo Si Rasmiya Hargaysa Loogaga Dhawaaqay –

DHAQANKA MADASHA

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Haldoorka Dhalinyarada Somaliland oo Iskaga Kala Yimi Gobolada Dalka Ayaa Manta Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay Ay Lagu Midaynaayo Dhamaan Dhalinyarada Dalka Aqoonyahan Siyaasiga Iyo Haldoorkoodaba.
Dhalinyaradan Oo Manta Shir Ay Ku Qabteen Hotel Dalxiis Ee Magaalada Hargaysa War Murtiyeed Kasoo Saaray Ayaa Ka Xog Waramay Ujeedada Loo Aasaasay Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Oo Marka Magaceeda Lasoo Gaabiyo Loo Yaqaan (MDD)
War Murtiyeedkan Oo Nuqul Kamidi Nasoo Gaadhay Ayaa Waxaa Uu U Qornaa Sidan:-

Warsaxaafadeed
Hargaysa/ Somaliland 11/03/2014
Anaga Oo Ah Haldoorka Dhalinyarada Somaliland Waxaanu Manta Oo Ay Taariikhdu Tahay 03/11/2014 Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqnay Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Somaliland(MDD) Taasi Oo Noqon Doonta Madal Midayn Doonta

Dhalinyarada Dalka Siyaasiga Barito, Aqoonyahanka Dhalinyarada Heegana U Ah Hindisaha Fog Ee Dhalinyarada Somaliland.
Madashu Waxay U Taagan Tahay Horu Marinta Dhalinyarada Wacyi Galinta Dhalinyarada Dhiirigalinta Siyaasiga Dhalinta Yar, Aqoonyahanka Dhalinta Yar Si Loo Hello Jiil Fayo Qaba Oo Hanan Kara Himilada Dalka.
Madasha Dhalinyarada Waxaa Ku Bahoobay Dhamaanba Dhalinyarada Dalkan Somaliland Min Bari Ilaa Galbeed Waxaana Ay Laamo Ku Leedahay Dhamaan Gobolada Dalka Halka Kuwa Aanay Wali Gaadhina Ay Ka Furan Doonto Isha Allaa.
Xarunta Guud Ee Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyaru Waa Caasimada Hargaysa Halkaasi Oo Ah Xudunta Dalka Isla Markaasi Lagu Doortay Xasiloonida Iyo In La Iskugu Iman Karo Bari Iyo Galbeedba.
Madasha Waxaa Magaalada Hargaysa Kaga Dhawaaqay Xumnaha Kala Ah:
1- Ayuub Yuusuf Ciise Tallaabo ( Garyaqaan)
2- Abdifataax Xaashi Cadaani (Dr And Public Health )
3- Diiriye Xuseen Jaamac Diiriye (DR)
4- Jamaal Abdi Muhumed (Degree It And Journalist)
5- Ismaaciil Khaliif
Allaa Mahadleh

Madashada Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Somaliland