Wasiir Warancadde Oo Ka Hadlay Maxaabiis Loo Soo Qabqabtay Shaqaaqadii Ka Dhacay Magaalada Berbera

Wasiir Warancadde Oo Ka Hadlay Maxaabiis Loo Soo Qabqabtay Shaqaaqadii Ka Dhacay Magaalada Berbera

Warancade-Telefoon-150x150

Berbera, (Salaanmedia.com)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalo xeebeedka Berbera, ayaa ka hadlay shaqaaqo ka dhacday dhul laga samaynayay Maxjar lagu caafimaadiyo xoolaha nool inta aanay ka dhoofin dekeda Berbera,isla markaana wuxuu sheegay in ciidamadu amaanku maxaabis badan u soo xidhxidheen shaqaaqada.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in la xaliyay gacan ka hadalkii doraad dhexmaray ilaaladiisa iyo xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Berber.
Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay shirjaraaid uu ku qabtay magaaladaas.“Hawlihii aanu Berbera u nimi meel fiican ayay marayaan, waxayna ku dhow yihiin dhamaad oo hawshii nabadgalyada halkeediibaanu ku haynaa, waanan la kulanay qolooyinkii shaqaaqashu dhexmartay.Maxaabis ilaa tobaneeya ah waanu qaban oo ah dadkii rabashka sameeyay oo labada dhinac ba ah, wixii aan imika la haynaa gacantaa lagu soo dhigaya haddii ILAAHAY yidhaahdo Waxaan runtii aad uga mahadcelinayaa maamulka iyo madaxda degmada haday tahay Badhasaabka, haday tahay ku simaha Maayarka oo runtii si hagar la’aan ah noola shaqeeyay, Odayaasha gobolka oo iyaguna gacan wayn ka gaystay hawshii aanu wadnay.Sidaa awgeed meeshii nabad lagu soo dabaalo, hawlihiina wixii hadhay iyo qolo waliba waxay ku andacoonayso gobolka waanu ka dulqaadi doona oo waxaanu isugu yeedhi doona Hargeysa.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ka hadlay gacan ka hadalkii dhexmaray ciidamadiisa qaarka ah iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Berbera.“Runtii xidhibaanadu waxay leeyihiin xisaanad, waxayna mudan yihiin in la xaqdhowro oo runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay wixii meesha ka dhacay, waxaanan jecelanahay in aan halkan raali galin ka siiyo xildhibaanadii ay gacantu gaadhay.Waayo inta badan hawl qaran ayaa la isugu yimaada oo xumaan kale oo meesha ku jirtay may jirin, oo imika wuxuu xidhan yahay askarigii gacanta u qaaday xildhibaanada.”
Maayar ku xigeenka Magaalada Berbera Baashe Cabdillaahi Yaaquub oo isaguna dhankiisa ka hadlay xal u helida gacan ka hadalkii dhexmaray ciidamada iyo xildhibaanada Berbera ayaa sheegay inay is afgarad ku soo gabagabowday “Arrintaa aad iyo aad ayaanu ugu xunnahay xildhibaan ahaan, arrin gardara ahna waanu u arkaynay, sida aad warbaahinta ku arkayseen qoladii khaladka gashay way qaadatay.”