Wasiirada Meesha Joogaa Naf Kuma Noola,Mar Siilaanyo Ayaa Madaxweyne U Ah, Mar Xirsi baa U Ah..” Xil. Cali Aareeye

Dalka laba weli ayaa ka dhintay oo kala ahaa Cigaal iyo Sheekh Ibraahim”
“Cabdiraxmaan Tuur kabahaa lagala baxay, Daahir Rayaalena wax kastaa lagu sameeyay”

Cal;i Araaye

Hargeysa, (Salaanmedia.coml) Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye, ayaa isbarbar dhig ku sameeyay Xukuumadii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo sida ay ugu kala nasiib wanaagsanayeen hoggaankii soo maray Golaha Guurtida, Isla markaana wuxuu sheegay inuu Sheekh Ibraahim, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal runta u sheegi jiray, balse guddoomiye Saleebaan uu runta kala gabanayo Madaxweyne Siilaanyo.
Xildhibaan Aareeye wuxuu sidaa ka sheegay munaasibad xisbiga Waddani u qabtay Taageerayaal uu horkacayo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka soo diga rogtay Xisbiga KULMIYE.
Xildhibaan Aareeye wuxuu ugu horayn sharraxay shaqsiyaadkii soo maray Somaliland, waxaanuu yidhi, “Dalka laba weli ayaa ka dhintay oo kala ahaa; Madaxweynihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Sheekh Ibraahim oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Guurtida, waxa kale oo jiray Madaxweynayaashii ugu dulqaadka badnaa oo kala ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur) iyo Daahir Rayaale Kaahin oo Cabdiraxmaan Tuur kabahaa lagala baxay, Daahir Rayaalena wax kasta lagu sameeyay.”ayuu yidhi xildhibaan Aareeye wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay oo uu yidhi,“Marka waxaan la yaabannahay laba nin oo isku reer, oo Ina Cigaal iyo Sheekh Ibraahim waan la yaaban 1997-kii ayaan wasiir ka noqdoo, waa la yaabanoo waxaan lahaa, ninyow cid kale maa loo dhiibo sowtii Soomaalidu wax qaybsan jirtay, ilayn sidaa ayay sharaftu ku jirtaa oo ILAAHAY ayaa sidaa u dooray oo marka Ina Cigaal meel yar ka baydho, Sheekh Ibraahinoo usha sita ayuunbaa miiska ugu garaaca oo yidhaahda “Waar Ina Cigaaloow Meesha Miyaan Kaa Tuurna Mise Taladayda Ayaad Qaadanaysa”.
Xildhibaan Aareeye wuxuu u hoga tusaaleeyay Guddoomiyaha Guurtida waxaanuu yidhi,“Saleebaan waxaa laga rabay haddii uu noqday guddoomiyihii Guurtida kama xumin isaga iyo Siilaanyo inay isku reer noqdaan, laakiin sidaa uu sheekh Ibraahim u arrimin jiray ayaa laga waayay, mana shaqaynayso taasi oo xeer yarbaan haysanaa oo nama qabanayo maaha dhaqanka reer Somaliland.Waxaan idinku dardaaray 26 june waa halka xusulada gobnimada iyo isbedelku ka soo baxaa, dabadeedna dabka baxayaa kuwa kalena qabad siiyaa oo dhalinyaro qiimo badan ayaad tihiin oo Cabdiraxmaan ayaa u taagan jagada madaxtinimo ee xisbiga Waddani,waxaan ballan idin qaadayaa maalinta yar ee uu eexdo waxaan odhan doonnaa kalmadii aan shalay idhi.”
madaxweyne u noqonayo wuu sii watay hadalkiisa waxaanuu yidhi “Raga maanta meesha joogaa Saddex Madaxweyne ayay leeyihiin, wasiiradan meesha joogaa naf kuma noola, mar Xirsi baa madaxweyne u ah, mar Siilaanyo ayaa madaxweyne u ah, mar kale qaar kale oo badan baa u ah oo naftiiba ka baxday.”