Wasiirka Arrimaha Gudahu Waxa Uu U Dhaqmayaa Talaabooyinkii U Ka Dhaxlay Kaligii Taliskii Maxamed Siyaad Bare. Xog-Hayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Ucid

Wasiirka Arrimaha Gudahu Waxa Uu U Dhaqmayaa Talaabooyinkii U Ka Dhaxlay Kaligii Taliskii Maxamed Siyaad Bare. Xog-Hayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Ucid

shirkaas

Hargaysa(Salaanmedia.com)Xog-Hayaha Arimaha Gudaha Iyo Xog-Hayaha Xidhiidhka Goloyaasha Ee Xisbiga Ucid ayaa si isku mid ah u canbareeyey Falkii ay shalay ilaalad wasiirka arimaha gudahu ku garaaceen Xildhibaanada golaha deegaanka Ee Berbera. Waxa ay Nasiib daro iyo u qaadan waa ku tilmaameen in Xildhibaan Xasaanadi Saaran tahay Ay Ciidanka Gacanta u qaadaan waxaana y Bulshada usoo jeediyeen in ay Amaankooda Sugtaan.
Sidoo kale waxa ay Shegeen in Ay xukuumada u hadhsan tahay 6 Bilood oo kaliya,wasiirka arrimaha gudaha somaliland waxa ay ku edeyeen inuu dalka galinayo Buuqa isla markaasna u dhaqmayo Talaabooyinkii u ka dhaxlay Maxamed Siyaad Bare waa sida ay Hadalka u dhigeene.

Xog-Hayaha Arimaha Gudaha iyo xidhiidhka Gobolada ee xisbiga ucid Cabdi qani ibraahi Salaf oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi. “Arintaas oo laga daawanayay Runtii warbaahinta Kala duwan sida Foosha Xun ee Ciidanka ilaalad u ah wasiirka Arrimaha Gudahu u garaaceen Labada Xildhibaan Ee ka tirsan Golaha Deegaanka ee dagmada Saaxil, Xildhibaanada Waxa saran Xasaanad,Arintaasina waa arin Fool Xun aad iyo aadbaan U Canbaaraynayaa Arinkaas ka xisbi ucid ahaan,Xildhibaanada waxaan leeyahay Dul-qaad Fiican ayaad yeelateen oo runtii idinka oo jooga gobolkii laydinka soo doortay ayaad hadana ixtiraamteen. Xog-hayaha Arimaha Gudaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Cabdi qani Salaf oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray. “Baryahan Danbe Wasiirka arrimaha gudahu wuu soo qaatay waxaana aad Moodaa inuu Dalka ka wado Nabad Galiyo daro,Wax kasta oo dadka ka cadhaysiinayana Sameeyo,Talaabo kastana ku dhaqaaqo,Sidaas Runtii Kuuma Fiicna Wasiir Ayaan odhan lahaa anigu.

Waxa uu fariin u diray Wasiirka arrimaha Gudaha somaliland oo ku edeeyey inuu dalka ka wado Amaan Daro isla markaas khal-khal galinayo waxaana uu yidhi. “Ciidanka RRU ood Iyana Moodo Runtii in ay badaleen Ciidankii Maxamed Siyaad Bare ee shacabka habeenkii saqda dhex Dadka ugu daadan jiray Guryahood,Markaas waxaan U sheegayaa Cali waran cade oo aad moodid Inuu kusoo tababartay Dawlada Milatariga ahayd ee maxamed Siyaad Bare Maanta halkii Lama taagna ee Hore ayaa looga talaab saday Ayaan ku odhan lahaa wasiir,Cid aad Maatan Cabudhisaana Dalka Majoogaan. Waxa uu shacabka Ku dhaqan Degmada Saaxil Xaal ka siiyay Xildhibaanada Ay Garaaceen ilaalad wasiirka arrimaha gudaha somaliland isaga oo ugu baaqay in ay Amaankood Sugtaan waxaana uu yidhi. “Waxaanu Leenahay shacabka Saaxil Xukuumada 6bilood ayaa u hadhee iska adkaystay Amnigiin Dalkana Inoo ilaaliya,Cali waran cade waxaan leeyahay Horena waa laguu ogaa inaad wariye Afduubtay maantana aad xildhibaano Xasaanad leh oo shacab soo doorteen aad gacan saartay adiga oo Digreeto Lagugu Keenay Marlabaad iyo mar Saddexaad Xisbiga Ucid waxa uu Xaal ka siinayaa Shacabka Saaxil Arinkaas Foosha Xun.

Ismaaciil Axmed Ismaaciil Xog-Hayaha Xidhiidhka Golayaasha Ee Xisbiga Ucid oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa canbareeyey falkaas foosha xun ee ay ku kaceen askarta ilaalad u ah wasiir waran cade waxaana uu yidhi. “Aad Ayaan u canbaaraynayaa sida foosha xun ee ay u garaaceen ilaalada wasiirku labada xildhibaan ee gudanayay Hawl Maal-meedkoodii shaqo,Arinkaas waxaan leeyahay wasiir waa shaanbad Bar Madaw kugu ah Oo kugu taala,aadna waan uga xumay, shacabkan waxaan leeyahay nabadiina ilaashada. Hadalkan kasoo yeedhay masuuliyiinta Xisbiga Ucid ayaa waxa uu kuso beegmayaa Xili ay Shalay garaaceen ilaalad wasiirka arrimaha Gudahu laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Saaxil,waxaan ay arinkaas ku Tilmaamay mid Gaf ku ah Xildhibaanka ay Xasaanadu Saaran tahay.

Salaanmedia/Hargaysa