Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Awaamiir Culus Ku soo Rogtay Saxaafada Madax Banaan Ee Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Awaamiir Culus Ku soo Rogtay Saxaafada Madax Banaan Ee Somaliland.

Cukuse

Hargaysa(Salaanmedia.com) Wasiirka wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyi Galinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Awaamiir Culus kusoo Rogay Saxaafada Madaxbanaan ee somaliland. Waxa uu sheegay Wasiirku inuu samaynayo Gudida Anshax marinta Saxaafada Somaliland,lagana Qaadi Doono Lacag Cashuur ah Sanadkiiba hal Mar Xarumaha Warbaahineed Ee Dalka ka hawl gala. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu Ruqsada ay ku shaqo gali lahayeen Kala noqonayo Tv-yo iyo Jaraa’id aan in Mudo ah Shaqayn waxaana uu yidhi

Xeerar Saxaafadda khuseeya maanta hal xeer baynu haynaa oo waa Xeer lambar 27,waa Xeerka Ururada Saxaafaddu inbadan ku qaylinayeen xeerkaas hanaloo daayo,Xeerkaas Saxaafadda ee Lam 27 ee

Daahir Rayaale Saxeexay ee Madaxweyne Siilaanyo saxeexay, ee Labada gole baarlamaan ansixiyay,xeerkaas baanu maanta laga bilaabo idinku dhaqaynaa”
Wasiir Cukuse waxa uu sheegay inuu samaynayo Guddida Anshax marinta Saxaafadda oo Xeer lambar 27 Jidaynayo,taasi oo cid walba ka madax banaan islamarkaana uu Xafiis u samaynay,waxayna ka koobnaanaysaa sida uu sheegay Wariyeyaal Ruug Caddaa ah.
Wasiir Cukuse waxa uu Sheegay inuu maanta laga bilaabo Ruqsada kala noqday Liis dhawr Bog ka kooban uu sheegay inay Yihiin Hay’addo warbaahineed oo Wargeysyo iyo Tv-ya ah balse aan mudo shaqayn qaarkoodna sidii Ruqsada shaqo loo siiyay aanay hawl galin.
“Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu ku dhawaaqno,waxaanu Liisamada bilaabaynaa todobaadka soo socda,waxaa la imanayaa Xafiiska Agaasimaha guud,waa la isdiwaangalinayaa,waxaad buuxinaysaa Foom,haddii aad Website leedahay,haddaad Jaraa’id Leedahay, leedahay Madbac iyo kuwan Boodhadhka Xaysiiska, haddaad Tv ama Idaacad leedahay.Agaasimaha guud baad u imanaysaan waxaanuna u samaynaynaa Kaadhkii Hay’addaas warbaahineed kaga qayb gali lahayd goobaha loo baahan yahay(Goobaha Wararka),waxaanu kuu samayn doonaa Liisan aad Cashuurta ku bixiso Sanadkii hal mar,waxaanad ku shubi doontaa Xafiiska Maaliyadda wixii dalku xaq kuugu yeesho”