Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo jawaab Kulul ka Bixiyay Dhaliilaha Mucaaridka

Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo jawaab Kulul ka Bixiyay Dhaliilaha Mucaaridka

Wasiir

Hargeysa, 01 Nov 2014 (Salaanmedia.com)-Qaar ka mid ah Wasiirada Xukumada Madaxweyne Siilaanyo kana mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ayaa Jawaabo waafi ah ka Biixiyey Dhaliilaha Xisbiyada Mucaaridka ay u jeediyaan Xukumadooda iyo xisbigoodaba.
Xubnaha Wasiirada ee Shirka Jaraa’id qabtay ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Warshadaha Abiib Timocad, Wasiir Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Xusseen Axmed Caydiid, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud jibriil, Wasiir Ku-xigeenka Caafimadka Marwo Nimco Xusseen Qawdhan, Wasiirku-xigeenka Hawlaha Guud Cali, Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki, Agaasimaha Komishanka AIDS-ka Cabdikariin Xinif iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 3 aad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxman Talyanle.
Wasiirka Warshadaha Abiib Timocad oo ugu horeyn ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in ujeedada Shirkan ay u qabteen ay tahay maadama oo ay ka mid yihiin Guddida Fulinta ee kulmiye in ay ka jawaaban Eedo isbiirsaday oo xisbiyada Mucaaridka ah uga yimaada Xukumadooda ee gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Siilaanyo, waxa uu sheegay in Xukuumadu wax baddan bulsahda Reer Somaliland u qabtay isla markaan wixii baahiyo ahaa ee dalka ka jiray ay Dabooshay Haddii ay noqoto Laamiyada, Biyaha, Caafimadka isla markaan horumar gaadhsiisay Dalka.
Wasiir Abiib Timocad waxa uu Beeniyey warar warbaahintu ay qortay oo sheegayey in Caalanka Kulmiye lagu gubay Gobolka Gabiley waxaanu Arrintaasi ku tilmaamay mid been cad ah, isla markaan ay garanayaan ciida ka danbeeysa warkaasi been abuurka ah.
Wasiirka Wasaaarada Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Wasiirka Cadaalada Xusen Axmed Caydiid oo iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiyada markii ay garan waayeen waxa ay bulshada u soo bandhigan oo ay yidhadaan waxaasanu waxa ka qabanaynaa in ay isku badaleen Cay iyo in Musuqmaasuq ku tilmaaman Xukumadooda, waxanay sheegen in madaxweyne Siilaanyo aanu ahayn masuul lagu xanto Musuqmaasuq.