Waxaa Dalka Ka Socda Hanti Boob Ay Wado Xukuumada Xamaamteedii Sii Urursanaysa Ee Aad Moodo In Ay Ka Quusatay Rajadii Iyo In Ay Mar Labaad Ku Soo Noqto Hogaankii Dalka

Waxaa Dalka Ka Socda Hanti Boob Ay Wado Xukuumada Xamaamteedii Sii Urursanaysa Ee Aad Moodo In Ay Ka Quusatay Rajadii Iyo In Ay Mar Labaad Ku Soo Noqto Hogaankii Dalka

buubaa

Hargaysa(Salaanmia.com):- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani XIldhibaan Ibraaahim Mahdi Buubaa Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Hanti Boob Uu Sheegay In Dalka Ay Ka Wado Xukuumada Talada Haysaa Waxana Uu Tilmaamay In Guryaha Iyo Hantida Umadani Leedahay Ee Ay Xukuumadu Iibanayso Ay Yahiin Qaar Xaraan Ah “Waxaa Soctay Maalmahan U Danbeeyey Ka Soctay Magalada Hargaysa Iyo Magalooyinka Kale Ee Dalka Hanti Boob Ay Wado Xukuumada Xamaamta Sii Urursanaysa Ee Aad Moodo In Ay Ka Quusatay Rajadii Iyo In Ay Mar Labaad Ku Soo Noqto Hogaankii Dalka Waxaad Ka War Haysaan In Guryo Waa Weyn Oo Magaalada Hargaysa ku Yaala Ay Bilawdo In Ay Soo Dhajiso Liiskooda Oo
Ay Xaraashto Tidhadana Ninkii Lacagtaas Toban Cisho Ku Soo Bixin Waaya Waxaan U Sheegaynaa In Uu ALaabtiisa Ka Qaato Waxaan Leenahay Ma Aha Sharci Xeerarka Dalkuna Ma Ogalaanayaan In Sidaas Fawaaxishka Ah Loo Xaraasho Ama Loo Isir Tiro Hantida Uu Qaranku Wada Leeyahay Umada Ayaana Wada Leh Hantidaas “

Dadka Guryahaas Ku Jira Waxaan U Sheegaynaa In Ay Iyagu Masuulyada Leeyahiin Isla Markaana AY Ilaaliyaan Kana Aqbalin Lacagtaas Malaayiinka Ah Xukuumda Xaamta Sii Urursanayasa Ee Safarka Ku Jirta Hanti Ha U Dhiibana Lacagna Ha Siinina Hana Ka Bixina Guryahaas Ilaalida Nabad Galyadoodana Idinku “ ayuu yidhi
Sidoo Kale Isaga Oo Hadlkiisa Sii Wata Ayaa Waxaa Uu Ku Sii Daray Xildhibaan Ibaarahim Mahadi Buubaa “ Ma Jiro Xeer Si Rasami Ah Oo U Sheegaaya Isla Markaana Cadaynaaya Hantida Qaranku Leeyahay sida Loo Ibinaayo Iyo Sida Loo Xaraashaayo Hada Ayaa Golaha Wakiiladu Gacanta Ku Hayaan Inta Uu Xeerkaasi Soo baxaayaana Xaq Xukuumadu Uma Laha In Ay Tidhado Dadka Keena Lacagataas Shilimada Ah “ Ayuu Ku Soo Kobay Hadlkiisii Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ibraahim Mahadi Buubaa

HALAKAN KA DHAGAYSO

120116_001