Waxaanu Codsanaynaa In Caqabadaha Iyo Isbaarooyinka Laga Horqaado Doorashada”

Waxaanu Codsanaynaa In Caqabadaha Iyo Isbaarooyinka Laga Horqaado Doorashada”

Wadani 26

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa hadlay dariiqa ay bulshada reer Somaliland ku heli karto ictiraaf buuxa oo ay beesha caalamka kaga mid noqoto, wuxuu carabka ku dhuftay in illaalinta Xuquulqul Insaanka,maamul wanaaga,iyo xoriyada Saxaafadu ay aas-aas u yihiin in Somaliland ay beesha caalamka ka hesho Ictiraaf buuxa, sidaa wuxuu ka sheegay mar uu shalay khudbad u jeeddiyay taageerayaasha xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer “Hadda muddo 23-Sano ah ayaynu xor ahayn, illaa hadda wali Ictiraaf maynaan helin. Ictiraafku waxa uu ku xidhan yahay Saddex Arrimood inaynu helno.Ka ugu horeeya waxa weeyey maamul wanaag, halkee baynu ka taaganahay, ka labaad waa Xoriyada Saxaafada halkaynu ka taaganahay. Ka Saddexaad waxa weeye dhawrista Xuquuqul Insaanka, isna halkaynu ka taaganahay. Waxaynu doonaynaa si aynu Ictiraaf u helno inaynu arrimahaas oo dhan aynu wanaajino,”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Md:Cabdiraxmaan Cirro , wuxuu ka hadlay siyaasadda xisbigiisa Waddani wuxuu yidhi, “Siyaasada Xisbiga WADDANI waxa weeye in aynu noqono Somaliland oo magacyo aan loo kala bixin,magacyo cusub ayaa inagu soo kordhay,waxaan doonaynaa deegaanka wax tirsanaaya iyo ninka Siyaasiga ah ee Miisaanka leh,ee reer Somaliland u dhashay ee wax tabanayaba in aynu la hadalno,waxaynu diyaar u nahay in aynu Cali Khaliif iyo dadka Somaliland u ma talaya-ba aynu la hadalno,Somaliland oo mida ayaa aynu abuuraynaa, haddii Illaahay ka dhigo,waana Siyaasada Xisbiga WADDANI.Saddexda guddoomiye ee Saddexda Xisbi qaran waxaanu isku daynay safarkii aanu ku tagnay Kenya in aanu la kulano Cali Khaliif,laakiin nooma ay suurta galin,Insha Allah Somaliland waa ay la kulmaysaa,Axsaabtuna waa ay la kulmaysaa haddii Illaahay ka dhigo.”
Wuxuu Guddoomiye Cirro sheegay in Xukuumadda Axmed Siilaanyo caga juglayn ku hayso warbaahinta, isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi, “Siyaasada doorashooyinka ee Xisbiga WADDANI, shacbiga reer Burco iyo Somaliland-ba waa ay ka dharagsan yihiin. Waa in doorashooyinka wakhtigoodii la qabto,oo aan saacad lagu darin. Waxa kale oo aan u mahad naqaynaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland khudbadiisii ugu danbaysay iyo kuwii ka horeeyeyba ku daray in doorashada wakhtigeedii la qaban doono.Waxaanu codsanaynaa in caqabadaha iyo Isbaarooyinka laga horqaado doorashada oo ay ugu horeyso in la ansixiyo gudida doorashooyinka qaranka, oo ah cidda doorashooyinka ka masuulka ah. Waxaa kale oo aad ka warqabtaan in Saxaafada xadhig iyo cago juglayn lagu hayo,in saxafiyiin badani ay xidhan yihiin oo ay jeelka ka cawaynayaan,waxaan Xukuumada u soo jeedinaynaa in Saxafiyiinta loo soo celiyo xoriyadoodii sida ugu dhakhsaha badan,hada Saxafiyiintii waa la soo dhaaftay madaxdii Xisbiyada ayaa la xidh xidhayaa,waxaa xidhnaa oo baryahan xidhnaa Wasiirkii Beeraha Md:Xasan Goodaad,waxaan kale oo aan u soo jeedinaynaa Xukuumada in masuulka sare si dhakhso ah loo sii day.,Waxaanu ka warqabnay dhalinyaradii gar’adag ee damacday in ay ku biirto Xisbiga WADDANI,in Maxkamad guuraysaa ay ceeri-gaabo uga timi oo ay wakhti saacad ka yar ay Lix sanadood illaa Sagaal Sanadood ku xukuntay,baryahaa miyeynu aragnay taas oo kale waa tii badbaadada.KULMIYE markuu wadanka qabsaday wuxuu yidhi xukunkii dag daga ahaa waan baabiinayaa,kani waa uu ka wayn yahayba xukunkii dag dega ahaa,oo waaba maxkamadii badbaadada.”