Wuxuu Malaha Sii Ogaa Inuu KULMIYE Siduu Doono Yeeli Doono Oo Dhulka Xaraashi Doono”

Wuxuu Malaha Sii Ogaa Inuu KULMIYE Siduu Doono Yeeli Doono Oo Dhulka Xaraashi Doono”

cali-aareeye-258x174-150x150 (1)

Burco, (Salaanmedia.com)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin (Aareeye), ayaa is barbardhig ku sameeyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo hadal hore uu sheegay Sheekh Bashiir, islamarkaana wuxuu sheegay in rag khatar ah isku wadeen wadanka, balse Siilaanyo uu ka leexday waddadii Sheekh Bashiiryo oo uu dadkii u kala qaaday Bur iyo Biyo, sidaa wuxuu ka sheegay Munaasibad balaadhan oo reer Burco ku soo dhaweeyeen wefti uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Xildhibaanka oo ugu horen ka hadlaya soo dhawaynta ay reer Burco u sameeyeen weftiga wuxuu yidhi “Waxaan reer Burcoow idinku hambalyaynayaa sida sharafta iyo milgaha leh, ee aad ku soo dhaweeyseen gudoomiyaha xisbiga waddani iyo Weftigu hoggaaminayo.
Marka xigta waxaan idiin sheegayaa Burco beri iyo galbeed ma kala laha, waa dad wada dhashay.Waxaan imi Buro sannadkii 1998-kii oo saddex bilood ayaan joogay oo si fiican ayaan uga shaqaynay.”
Xildhibaanku wuxuu sidoo kale, si barbar dhig ku sameeyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Hadal uu hore u sheegay Sheekh Bashiir wuxuu yidhi,“Sheekh Bashiir markii uu Ingiriiska la halgamayay ayay ku yidhaahdeen Mujaahidiintii Ingiriiska la halgamaysay, Sheekh Bashiiroow waa nala dhibay oo waan yaaban nahay, wuxuu yidhi inta la yaaban yahay waa la roon yahayee, mar yaabkuba dhamaan doono ayaa imin doonta.Markaa uu sheegayay Sheekh Bashiir wuxuu malaa sii ogaa inuu KULMIYE wax qabsan doono oo KULMIYE sida uu doono yeeli doono, oo dhulka xaraashi doono, dhaqaalo xumo ku dhici doonto.”
Xildhibaanu wuxuu dhinaca kale sheegay in wadanka ay soo mareen rag rag ah oo aanu gaadhi Karin Madaxweynaha dalka dalka hayaa “Waxaan idiin sheegaya wadanka waxaa isku waday rag rag ah sida: Faarax suus leh, Xaaji Xasan Geelle, Cawil Xaaji Nuur.Maanta Siilaanyo wuxuu isku hayo iska daayee dadkiibuu bur iyo biyo u kala saaray, waxaan anigu idiin leenahay waxaynu rabnaa isbedel ku dhaca nabadgalyo oo sidii uu Daahir Rayaale ku dhiibay Siilaanyo-na ku dhiibo, oo doorashadu waa isbedel oo waa 26 Jun oo maalin kama ogolin xukuumada maanta jirta.”