Xabaalaha Warshadda Hargaha Burco Oo Lagu Arkay Lafihii Dadkii Lagu Aasay ka Dib Markii Uu ku Fiday Dooxa Burco iyo Masuliyinta Maamulka G/Togdheer Oo ka Hadlay + Sawiro

Xabaalaha Warshadda Hargaha Burco Oo Lagu Arkay Lafihii Dadkii Lagu Aasay ka Dib Markii Uu ku Fiday Dooxa Burco iyo Masuliyinta Maamulka G/Togdheer Oo ka Hadlay + Sawiro

Xaba 3

Burco (Salaanmedia.com) Xabaalaha Wershada hargaha ee magaalada Burco Oo mudooyinkii u danbeyayba ahaa Kuwo Uu Soo Foodsaray Khasarayaal Tirro Badan Oo Uu u Gaystay Biyaha Soo Mara Dooxa Wayn Ee Magalada Burco ayaa iyagu Sabab u Noqday in Markii Ugu Horraysay Lagu Arkay Xabalahaasi Qayb ka Mid ah Oo Duntay isla Markaasna ay indhahaagu Qabanayaan Lafaha Maydadkii Lagu Aasasay Xabalahaasi.

Xabal 2

Maydadkani Lagu Arkay Lafahooda Xabalaha Warshadda Hargaha Burco ayaa waxa Sabab u ah ka Dib Markii ay iska Rogooyinka Ciida ka soo Gura Dooxa Burco ay iyagu Cidaasi ka Gureen Dooxa Gaar ahaana Qaybta u Dhow Xabalaha isla
Markaasna Uu Roobka soo Mara Doxaasi Uu Burburiyay in Badan Oo ka Mid ah Xabalahaasi.

Wafti Baladhan Oo Uu Hogaminayo Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa iyagu Maanta Kormeer indha indhayn ah ku Tagay Xabalahaasi si ay indhahoodu usoo arkaan Lafaha Marxumintii Lagu Aasay Xabalahaasi.

Xaba 11

Halkani waa Xabaalihii hada ilaa afar baad aragtaan,oo iilkii soo muuqdo,qaar lafahii,qaarna lafihii ayaad aragtaan intaas in leegna way soo duntay oo waxaa Na loo sheegay in ay soo duntay oo halkan baa laga guray oo waa la aasay,waxaa waxa keenay waa camuudaa laga gurayo oo dooxa intii magaalada ayay iska rogooyinku ka gurayaan,roobkan roobka xigaa waxaan Hubaa inuu gidaarkaasi siduu u dhanyahayba Uu dumaayo,hawshaasina waa xilkii saarnaa dawlada hoose, waxaan leeyahay hawshaas dawlada hoose wax haka qabato.Oo Fadhiga Haka Kacdo ilayn Waa Shaqadii Dowladda Hoose Degmadda Burco ” Ayuu Yidhi Badhisabka Togdheer

Xaba 6

Maayar ku xigeenka magaalada Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) ayaa isna Goobtaas ka sheegay awaamiir ay ku Hagi-donaan iska Rogooyinka Ciida ka Gura Doxaasi waxaan ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

” laga bilaabo maanta iska rogooyinka lagu arko iyagoo ciida ka guraya waxaanu ka qadi doonaa talaabo cad oo ciqaab adag bay mudan doonaan oo markhaati laga noqdo.sababta waxaa u ah iskarooyinka guraya waxaanan Bulshadda Reer Burco usoo Jeedinaynaa inay nala socodsiyaan iska Rogooyinka Goobaha Oo Kali ka Guraya Ciida waxaanan Rajaynaynaa in Cidii Qaadan wayda Awamiirtasi inay la Kulmi-Donaan Ciqaab Adag” Ayuu Yidhi Maayir ku Xigenka Degmadda Burco

Xaba 7

Taliyaha qaybta Booliska Ee Gobalka Togdheer Gaashanle Cabdi Muuse Cabdi,Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) iyo xubno kale oo ka mid ah wasaarada Hawlaha guud ayaa iyana qaylo dhaan iyo digniin ka diray xaalada xabaalahani Oo ay Shegeen inay u Baahan Yihiin Gurmad Degdeg ah.

Xaba 8

Si kastaba ha ahaatee xaalada xabaalahaasi ayaa ah mid aad u argagagax badan waxaanad marka aad dul istaagto ay indhahaagu ku dhacayaan,Lafo bina,aadan,kafan lafihii qofku ku jiro,iill daadkii dalooliyay iyo xaalado murugo leh oo qofkasta oo bani aadan ahi ka naxayo,waxaanay xabaalahani u baahanyihiin gurmad degadega

Xaba 3

Xaba 1

Toga 3

Toga 1

Xaba 4

xaba 9

Xaba 8

Xaba 7

Xaba 6

Xabal 2