Xasaanadda Xildhibaannada La Xidhay Kama Wayna Sharcidda Dalka…Aniga Madaxweyne Ahaan Waa Masuuliyadayda Koowaad…” Madaxweyne Siilaanyo

Xasaanadda Xildhibaannada La Xidhay Kama Wayna Sharcidda Dalka…Aniga Madaxweyne Ahaan Waa Masuuliyadayda Koowaad…” Madaxweyne Siilaanyo

AX SIIL

Hargaysa(Salaanmedia.com):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Xaalada guud ee dalku marayo, waxaanu shacabka reer Somaliialnd ugu baaqay inay Nabadgelyada ilaaliyaan oo ay Ciiddammada Amniga la shaqeeyaan.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka hadlay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Mucaaradka ah oo ay Ciidammada Boolisku Xabsiga u taxaabeen, isla markaana ku xidhan Xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargeysa oo gelinkii hore ee Sabtida maanta lagu xidhay.

Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inaanay Xildhibaannadu sharciga ka waynayn, isla markaana ay tahay in la ilaaliyo xasaanadda iyo maasuuska ay leeyihiin

haddiise ay taas ka gudbaan oo dembi faraha la galaan inaanay ka waynayn sharciga.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inaan loo baahnayn inay Golaha Wakiilladu maalin walba iyagu is-qabsadaan ee looga baahan yahay inay Qaranka u shaqeeyaan oo aanay isku mashquulin iyagu, waxa-se uu ka gaabsaday Mooshinka lagu eedeeyey inay Xukuumaddu dabada ka waddo ee ay Xildhibaannada Muxaafidka ahi doonayeen maanta inay xilka kaga qaadaan Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan-Cirro.
Waxa uu Madaxweynuhu ku dooday inaanay faro-gelin ay Xukuumaddu ku hayso Golaha Wakiillada jirin, hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golahaas iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa ku eedeeyey Xukuumaddu inay inqilaab qorshaysan oo Ciidan kula wareegtay xarunta Baarlamaanka oo ay ugu talo-gashay in la isku dilo, balse ay Golaha Guurtidu ku guntadeen maanta oo ay baajiyeen fadhiga xilka lagaga qaadi lahaa Guddoomiye Cirro.

“Waxaan ka xumahay inay maanta dhacdo khilaaf iyo shaqaaqo uu abuuray Golaha Baarlamaanka, waxay Hay’addaha ammaanku sugaayey i soo gaadh-siiyeen in sababtaas darteed Hal qof u dhintay, tiro kalena u dhaawacantay. Qaraabadii iyo ehelkii iyo guud ahaan Shacabka Somaliland waan uga tacsiyeynayaa, waxaan leeyahay Nabadgelyada ha la ilaaliyo oo Ciiddammada Booliska hala shaqeeyo. Aniguna Madaxweyne ahaan waa Masuuliyadayda koowaad oo cid-na ka yeeli maayo in nabad-gelyada khalkhal la geliyo.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlaayey arrinta Golaha wakiillada waxa uu yidhi “Golaha wakiillada waxaan leeyahay Masuuliyad culus ayaa idin saaray, maaha inaad maalinkasta is haysataan, oo aad qaranka qas gelisaan. dhammaaan waxaan idin soo gudbiyey Xeerarkii muhiimada qaranka u lahaa oo ay ku jiraan Xeerkii Ammaanka, Xeerkii Doorashooyinka, Miisaaniyadii qaranka iyo Koomishankii doorashooyinka. waa khalad in Guddoomiyuhu uu maalinkasta nagu eedeeyo in Xukuumaddu faro-gelin ku hayso Golaha Baarlamaanka, taasi ma jirto. Shaqada qaranka idiinka sugayo ku hawl-galla, idinkuna wixii dhexdiina yaalla dhammaysta, sharcigana u hogaansama.

Golaha Guurtida waxaan ku Ammaanayaa, waanan ku hambalyeynayaa shaqada ay qaranka u hayaan gacan weyna waanu ku siinaynaa.
Xisbiyada waxaa loo sameeyey in qabyaallada lagaga baxo, waa nasiib-daro in qaarkood ay ka soo baxdo baaqyo qabyaaladeed, waxaan leeyahay qarankan waxaad u haysaan Masuuliyaddu, waxaana waajib idinku ah inaad ilaalisaan Sharafta iyo haybada Qarannimada Somaliland.
Madaxweynaha ayaa la waydiiyey su’aal la xidhiidha rabshadihii maanta dalka ka dhacay iyo Shan Mudane oo ka tirsan Golaha wakiillada oo Ciiddammada boolisku xabsiga u dhigeen, waxa uu ku jawaabay:-

“Aad iyo aad ayaan uga xumahay waxyeellada innaga soo gaadha arrimaha qaarkood ee Siyaasada la xidhiidha. Ciiddammada ammaanku waxay u xil saaran yihiin ilaalinta ammaanka cid ay iska eryanayaanna ma jirto, laakiin cdina u adkaysan mayso wixii Sharciga burinaya ee Nabadgelyada waxyeellaaya waajibka iyo Xilka dawladda ka saaranina waa in talaabo laga qaado.

Mar la su’aalay Xasaanada Xildhibaannada ee ay Ciidanka Boolisku xabsiga dhigeen, ayaa waxa uu yidhi “Xasaanada Xildhibaannadu kama wayna Sharcida. Xildhibaannadu ixtiraam iyo sharaf ayey mudan yihiin, laakiin wixii sharciga ka gudba ee ku xad-gudba kama wayna sharcida dalka.”