Xildhibaan Dalxa Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xildhibaan Dalxa Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil

Dalxa-150x150

Muqdisho, (Salaanmedia.com)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen kooxo hubaysani.
Xildhibaanka oo ka soo baxayay Gurigiisa ayaa waxaa rasaas huwiyay kooxo hubaysan, waxaana la sheegay in darawalkii gaadhigiisa uu halkaasi ku dhintay.
Weerarka ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Xamar jajab oo Xildhibaanka uu degan yahay, hase-yeeshe Xildhibaan Dalxa ayaa ka badbaaday weerar, balse xaaladiisa caafimaad ayaa ah mid taam ah.
Raggii ka dambeeyay weerarka Xildhibaanka ayaa ka baxsaday goobta ay ku weerareen Dalxa, kuwaasi oo la sheegay inay wateen gaadhi yar oo nooca raaxad ah.