Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Cod Gacan Taag Ah Ku Meel Mariyay Ajandaha Kal Fadhiga 26Tanaad Ee Golaha

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Cod Gacan Taag Ah Ku Meel Mariyay Ajandaha Kal Fadhiga 26Tanaad Ee Golaha

Wakiilada-1

Hargaysa(Salaanmedia.com)Fadhigii Maanta ee golaha wakiilada Jamuuriyada Somaliland Ayaa Cod Gacan taag ah ku meel Mariyay Ajandaha Kal fadhiga 26tanaad ee golaha wakiilada somaliland. Fadhigaas oo uu Shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa fadhiga waxa kasoo Xaadiray 59 Xildhibaan. Waxa xeerka u codeeyey inuu Dhaqan Galo in kasta oo xildhibaanada Qaarkood Soo jeediyeen IN Laga Doodo Hadana 47 Ayaa u Codeeyey Ajandaha, Waxaana Diiday 2mudane,Cidna Kamay Aamusin Guddoomiyahuna Muucoday Sidaasna Wuu ku dhaqan Galay ajandaha Kal fadhiga 26Tanaad ee golaha wakiiladu. Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in Ajandaha Kal fadhiga 26tanaad ee golaha wakiilada in Laga Doodo Halka Qaarkoodna Soo Jeediyeen in Sagaalka Qodob ee xeerkani ka kooban yahay Sidooda
Lagu Ansixiyo. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Ciro ayaa mudeeyey Xiliga La Ansixinayo Kumiishanka Doorashooyinka qaranka waxaana uu yidhi. ‘Gola Waynaha Waxaan u sheegayaa Maalinta Sabtida In la ansixinayo kumiishanka Doorashooyinka Qaranka,Axadana Waxa Golaha Hor iman Doona Wasiirka Wasaarada Maaliyada,Maalinta Ay soo Galayso isiniintuna Waxa Lasamayn Doonaa Xisaab Xidhkii waxaana Akhriyi Doona Hanti dhawraha Guud ee Qaranka.