Xisbiga KULMIYE Sidee Ayuu Yeeli Doonaa? Madaxweyne Siilaanyo Laba Dariiq Mid Un Baa u Furan!

Xisbiga KULMIYE Sidee Ayuu Yeeli Doonaa? Madaxweyne Siilaanyo Laba Dariiq Mid Un Baa u Furan!

ZZZZ

Hargeysa, (Salanmedia.com)- Dad badan oo ka mid ah dadka siyaasadda odorasa iyo kuwa falaqeeya, ayaa is weydiiya arragti ahaan, sida uu u dhaqmi doono Madaxweyne Siilaanyo haddii ay doorasho dhacdo oo laga helo, isla markaana waxay guud ahaan dadkaasi ku arooriyaan dooda qodobkaasi, inay noqon doonto laba mid un, balse aanu jirin dariiq kale oo saddexaad oo u banaan.
Inkastoo Madaxweyne Siilaanyo uu ku samray 80 cod baa lagaga helay, haddana, dadka doodahan mawduucan is weydaarsada qaarkood waxay ka cabsi qabaan doorosho iyo doorasho la’aanba, in KULMIYE wax kasta ka doorbido sii haysashada kursiga.
Cabdillaahi Faarax Warsame (CabdillaahiLacture), oo ka mid ah bahda hal abuurka ama abwaanada reer Somaliland, wuxuu ka mid yahay dadka falaqaynta mawduucan wax laga weydiiyey. “Dadku waxay sas ka qabaan is badelka siyaasaddeed ee soo socda. Ma xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa qabsan kursiga, mise xisbiga KULMIYE ayaa haysan doona?. Xisbiga Kulmiye ma sii dayn doonaa, miyuu dagaalami doonaa, miyuu Kaga shuban doonaa Xisbiyada, maxay noqon doontaa?. Nin-ba maalin ayuu awrkiisu dhaan shaa Madaxweynuhu isaga ayaa midida daabkeeda haya, markaa Madaxweyne Siilaanyo laba dariiq mid un baa u furan.
Middi waa halkii Daahir Riyaale lahaa gacantii aan ku dhisay Somaliland ku dumin may., markaa sidaa ayay noqonaysaa ama waxay noqonaysaa, dariiqii Maxamed Siyaad Barre maray ayuu Siilaanyo marayaa, markaa ummaddu waxay sugaysaa Siilaanyo sida uu ka yeelo,”ayuu yidhi Cabdillaahi Faarax oo u waramayay Hilaac.
Wuxuu Abwaanku intaa ku daray oo uu yidhi, “Xume, wanaag iyo khasaare wixii ka dhasha Kulmiye ayaa leh, haddii lagu jeclan waayo sii daa, gacmahaaga yaanu ku dumin dalku .”