Xukuumadda Iyo Wefti Turkiga Ka Socda Oo Ka Wada Hadlay Kala Gurista Somaliland Iyo Soomaaliya

Xukuumadda Iyo Wefti Turkiga Ka Socda Oo Ka Wada Hadlay Kala Gurista Somaliland Iyo Soomaaliya

Turkiga

Hargeysa (Salaanmedia.com) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia mr Olgan Bekar iyo wefti uu hogaaminaya, isla markaana waxay labada dhinac ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen, wadahadalada Somaliland iyo Somaliya.
Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in qodobada ay kala hadleen Weftiga Turkiga in ay ugu muhiimsanayd dardar gelinta wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia ee Turkigu marti galiyay, kaasoo uu sheegay inuu haatan caga jiid yahay. Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland mudo dheer sugaysay Somalia oo dhibaatooyin ka jiraan balse hadda ay diyaar u tahay inay si siman u kala baxaan. “Waxaanu kala hadalay inaanu Safaaraddayadii ka furano Turkiga,arintaas oo aanu Ra’isal wasaaraha haddana ah Madaxweynaha Turkiga kula soo heshiinay. Waxaanu isku ogayn in labada dalba Xafiisyo kala furtaan, markaa koodii waanu u furnay laakiin keenii weli lagama furin Turkiga waanuse magacawnay”. Ayuu yidhi Wasiirku. Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Madaxweynaha hadda oo markaasna ahaa Ra’isal wasaare waxaanu ku heshiinay in Somaliland iyo Somalia si siman wax loo siiyo. Waanu ku faraxsanay waxa la siiyay Xamar, laakiin waxaanu doonaynaa in si siman wax naloo wada siiyo. Somaliland iyo Turkigu aad buu u qoto dheer yahay Xidhiidhkoodu oo cilaaqaad fiican oo aanay Afrika la lahayn ayaa ka dhexeeya”.