Xukuumadda Maraykanka oo wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland usoo dirtay dhambaal ay kaga hadlayso tacadiyada SAXAAFADA

Xukuumadda Maraykanka oo wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland usoo dirtay dhambaal ay kaga hadlayso tacadiyada SAXAAFADA

SUXUFIYIINTA

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Waxay ka codsadeen inay xukuumaddu ka noqoto falalka ka dhanka ah saxaafadda gaar ahaan HCTV
Hargeysa(Waaheen) Dawladda Maraykanka ayaa qoraal ay kaga hadlayso tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda usoo dirtay wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, taasoo ay si gaar ah ugaga hadashay wariyayaashii dhawaan la xidhay iyo talaabada ay xukuumaddu guriga kaga saartay Mulkiilaha Telefishanka HCTV, taasoo ay warbixinta ku sheegtay in uu yahay muwaadin Maraykan ah.
Qoraalka Xukuumadda Maraykanku soo saartay oo uu ku qornaa Brian Phipps waxa uu u dhugnaa sidan:
Sida ka soo noqotay xuska maalinta saxaafadda Soamliland, Nov 9, waxaan dareensiin lahaa korodhka xadhiga wariyayaasha ee soo baxaya. Sidaad ogtihiin 30-kii October Xukuumadda Somaliland waxa ay xidhay Mukhtar Nuux Ibraahim oo ka shaqeeya HCTV, Maxamed Xasan Sheekh Somsat iyo Ifraah xaaji Maxamed oo iyana ah HCTV. Warbixinahan waxa lala xidhiidhinayaa talaabadii xukuumaddu gurigiisa kaga saartay Mulkiilaha HCTV Farxaan X Cali, kaasoo ah muwaadin Maraykan ah, waa arrimo gaar gaarkooda walaac u miijinaya inay xukuumaddu ku beegsanayso.
Waxaan jeclaan lahaa inay Somaliland xasuusino inay qaado talaabo ay ku meel mariso fursadaha ay balanqaaday oo xorriyadda saxaafadda, oo ku qeexan Dastuurka, waxaanan kula talinaynaa inay dib uga noqoto cabsi galinta ka dhanka ah suxufiyiinta.