Xukuumadda Oo Ku Guuldaraysatay Baajinta Kulan Uu Ururka Jiidali Lahaa Xalay, Xidhayna Xubno Kale Oo Ka Mid Ah Madaxda Ururkaa

Xukuumadda Oo Ku Guuldaraysatay Baajinta Kulan Uu Ururka Jiidali Lahaa Xalay, Xidhayna Xubno Kale Oo Ka Mid Ah Madaxda Ururkaa

hogaanka Jiidali

Hargaysa, (Salaanmedia.com)-Xaflad ay doonayeen in ururka dhalinyarada ee Jiidali kaga hadlaan xadhiga Gudoomiyaha ururkaas Cabdiraxmaan Xasan Aadan oo in mudo ahba u xidhan xukuumadda, ayaa ciidanka Booliska Hargaysa ay xalay fiidkii isku dayeen inay kala dareeriyeen dadkii halkaasi isugu yimi, isla markaana waxa la sheegay in xabsiga la dhigay sadex xubnood oo kale oo ka mid ah dhalinta ururkaa, kuwaasoo laba ka mid ahi la sheegay inay yihiin Afhayeenka iyo xoghayaha ururka Jiidali lagana qabtay isla goobta ay xaflada ku qabsanayeen.
Warku intaa ku daray, in xubnaha la taxaabay magacyadooda la kala yidhiihdo, Faysal Cumar Madar ,Maxamed Cabdikariin Cumar iyo xubin kale. lama oga sababta loo xidhay, balse waxay xogaha qaar tibaaxayaan, in xukuumaddu ka hor tegaysay dhaliilaha xadhiga gudoomiyaha ururkaa ee lagaga hadli lahaa madashaa. Xafladaa oo ka dhacday Hudheelka Crown ee magaalada Hargaysa, waxa ka qaybgalay boqolaal qof oo dhalinta ururkaa iyo marti sharaf kaleba isugu jiray. waxa la sheegay in xili aanay dadkii loogu tala galay wada iman, uu ciidanka Boolisku isku dayay inay joojiyaan, balse ay dhalinyaradu diideen booliskana kula doodeen inay xaq u leeyihiin, kadibna ay boolisku taxaabeen xubnihii hawsha waday qaarkood. Warku wuxuu intaa ku daray, in xukuumaddu ku guuldaraystay isku daygaa, shirkaa Ururkuna uu halkiisii ka sii socday oo uu si caadiya ugu dhamaaday. Dhinaca kale ciidamo dhar cad u badnaa ayaa la sheegay inay ilaa xalay aaggaa gaaf wareegayeen, iyadoo maantana Hudheelkaa ay ka dhici doonto xaflad si wayna loo shiday oo xisbiga Waddani ku soo dhawaynayo siyaasiyiin door ah oo ka mid ahaa xisbiga Kulmiye, xukuumadana hore xilal uga soo qabtay.
Hayadaha xuquuda aadamaha ayaa aad uga walaacsan taxaabida aan sharciga ahayn, oo loo arko mid aad ugu badan Somaliland xiliga xukuumadda Kulmiye, isla markaana duudsiga xuquuqaha aasaasiga ah ayaa Iyana loo arkaa mid ay dagaal ku hayso xukuumaddu.