Xukuumadda Siilaanyo Gaadhigii Soo Qaaday Ee keenay Madaxtooyadu Saxaafadda Ayay Ahayd…”Cabdirashiid X. Mataan

Xukuumadda Siilaanyo Gaadhigii Soo Qaaday Ee keenay Madaxtooyadu Saxaafadda Ayay Ahayd…”Cabdirashiid X. Mataan

cabdi

Hargeysa, (salaanmedia.com)- Cabdirashiid X. Mataan, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilanyo xilligii uu ahaa Gudoomiyaha xisbigii mucaaridka ahaa ee KULMIYE u abaal celin warbaahintii saartay kursiga, sidaa wuxuu ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay magaaada Hargeysa.“Xukuumada Siilaanyo markii ay mucaaridka ahayd Gaadhigii soo qaaday ee keenay Madaxtooyada Saxaafadda ayay ahayd. Ciddii u ololaysay ee u badnayd marka laga reebo shacabka u codeeyay waxay ahayd saxaafadda. Xukuumaddu waxay ahayd inay u abaal celiso warbaahintii,”ayuu yidhi Cabdirashiid X. Mataan.
Cabdirashiid wuxuu intaa hadalkiisa sii raaciyey oo uu yidhi,“Xukuumaddani waa xukuumaddii xidhay wariyayaashii ugu badnaa intay dalada dalka haysay. Intii todobaadkan ugu danbaysay waxa la xidhay afar Wariye oo labana Gabilay ayaa lagu xidhay, midna Berbera iyo Inan lagu xidhay Gar-adag. Waxa lagu xidhayaa wax kale maaha ee waa waxyaabahaas xaqiiqda ah ee ay duubayaan. Waa calaamadaha kali taliska ah oo madoonayo in la sheego waxyaabaas jira.’
Sidoo kale, Cabdirashiid wuxuu sheegay haddii ay dib uga dhacaan ansixinta komishanka doorashoyinka ee cusub inay shir isugu imanayaan labada xisbi muxaarid wuxuu yidhi,“Waxa laydinka sugayaa waa ansixinta komishanka doorashooyinka oo shacabkuna way sugayaan haddii ay dhaafto maalin waqtigii loo qabtay xisbiyada mucaaridku way isu imanayaan.”