Xukuumaddani Waxay Caydh Ka Tahay Cadaalada, Dagaalkan Lagu Soo Qaaday Warbaahinta Madaxbanaan…” Muj. Cali-guray

Xukuumaddani Waxay Caydh Ka Tahay Cadaalada, Dagaalkan Lagu Soo Qaaday Warbaahinta Madaxbanaan…” Muj. Cali-guray

Cali-Guray

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa sheegay in Xisbi ahaan ay cambaaraynayaan Cashuur ay Xukuumadda Somaliland ku soo rogtay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland.

Muj. Cali-guray oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay waddo Qorshayaal ay ku curiyaaminayso Dimuquraadiyadda Somaliland iyo sidii loo cabudhin lahaa Warbaahinta madaxbanaan

Waxaanu yidhi “Xukuumaddani waxay caydh ka tahay waxa la yidhaahdo Cadaaladda, Hoddana waxay ku tahay waxa la yidhaahdo dulmiga waana 6 Bilood waxa u hadhay. Cashuurtan hadda lagu soo rogay Warbaahinta wey ogyihiin (Xukuumadda) in aan macaash-macaash lag helin Liisankana ay wadda qaateen oo Warbaahin aan Liisan lahayni inay Dalka ka soo bixin bay og-yihiin, markaa waxa laga dhiganayaa Qiil ee maaha waxa loo jeedaa Lacag” ayuu yidhi Cali Guray.

Cal-guray waxa uu intaas ku daray “Waxaanu aad ka xunahay dar-darta la geliyay Dagaalka ka dhanka ah Warbaahinta madaxabanaan, Saxaafadda madaxbanaani haddii aanay jirin macnaheeddu waxa weeyaan ma jirayaan Mucaarid haddii aanu Mucaarid jirna macnuhu waxa weeyaan ma jirayso Dimuquraadiyaddi. Dagaalkan lagu soo qaaday Warbaahinta madaxabanaan waa Dagaal ka dhan ah oo lagu bur-burinayo Dimuquraadiyaddii oo marba Geed fooda la soo-saaro oo mid gaaban iyo mid dheer la iskugu taago. Nuxurka Dagaalkani wuxuu ku wadda dhamaanayaa in Dimuquraadiyaddii Somaliland ay afka u dhacdo”

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID waxa kale oo uu iftiimiyay in Xukuumaddu ay dhaqaale ku bixisay sidii ay samaysan lahayd Warbaahin u adeegta afkaarteedda Siyaasadeed, waxaanu yidhi “Waxaan akhriyay garnaqsigiinii oo cid walba oo akhridaa ay ku qancayso Xeer Nidaamiyahan la leeyahay waa la idin samaysanayaa, iyadda oo uu jiro Xeer Lr 27/2004 oo Baarlamaanku ansixiyay oo haddana la leeyahay Xeer-nidaamiye ayaa la idin samaysanayaa oo Wasaaradda Warfaafintu ay wado oo la doonayo in lagu baabiyo Warbaahinta madaxbanaan. 23 Sanadood weynu ognahay oo Warbaahinteena cidina kama macaashto, waayo Wargeysyadda Wasiirka Madaxtooyadda ayaa qaar leh , kuwoodda waxa laga bixiyaa Khasnadda Dawladda oo qaar-baa Madaxtooyadda laga siiyaa Mushahar oo Wargeyso ah oo Dalka ka soo baxa, imikana waxa heshiiyo lala soo galay Websaydyo iyo Telefishano laga leeyahy Dalal kale kuwii Dalka laga lahaa ee madaxbanaanana waatan Albaabadda loo xidhayo intiinan kalena waad ku daba-jirtaan” ayuu yidhi Cali-guray.