Xuska Sanad Guuradii 21 Ee Ciidanka Booliska Oo Maanta Hargaysa Lagu Xusay.Daawi +Sawirada

Xuska Sanad Guuradii 21 Ee Ciidanka Booliska Oo Maanta Hargaysa Lagu Xusay.Daawi +Sawirada

Poli 2

Hargaysa(Salaanmedia.com)Xuska Sanad Guuradii kasoo wareegtay 21tan Guuradii markii la aas-aasay Ciidanka booliska jamuuriyada somaliland ayaa maanta lagu qabtay Magaalada hargaysa. Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa wax kasoo qayb galay Madaxwaynaha Jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xubno ka tirsan Golahiisa wasiirada,taliyayaasha ciidanka Somaliland iyo Marti sharaf kale oo badan

Popli 9

Waxaana Munaasibada loo qabtay 21 Guuradii ciidanka booliska lagu soo bandhigay Riwaayada iyo Heeso ka turjumaya Sida ay ciidanka Boolisku amaanka u sugaan.
Ugu horeyna waxa Munaasibada ka hadlay Hogaanka Hawl Galinta Ciidanka Booliska somaliland Maxamed Ducaale Cali waxaana uu ka waramay Danbiyadii Dhacay Sanadkan

Poli 6

2014ka. Waxaana uu is bar bar dhig ku sameeyey sida ay u kala badan yihiin Danbiyadii sanadii 2013ka dhacay iyo kan 2013ka

Poli 10

Mudane Madaxwayne Sanadkan 2014ka waxa danbi dalka ka dhacay (Sideed iyo toban kun Boqol iyo Sideed iyo Todobaatan danbi)inta beenaw Day waxa ay noqotay (Laba kun Sagaal Boqol iyo afar iyo Konton)inta heshiis laga gaadhay waxa ay noqotay(Sagaal Kun iyo Koob Iyo Afartan)inta baadhis ku jirtay waxa ay noqotay(Toban kun iyo Shan iyo labaatan)inta Maxkamada la hor geeyey waxa ay noqotay(Shan kun saddex boqol iyo sideed iyo konto)inta la xukumay(Laba kun iyo sideed iyo sodonkun)inta Xukun Suga ah waxa ay noqotay(Saddex kun laba boqol iyo sagaashan). Hogaanka Ciidanka Booliska somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu ku daray

Poli 7

Marka aynu eegno sanadkan wax dalka danbiyo ka dhacay iyo kii hore,sanadkii hore ee 2013ka waxa dalka ka dhacay danbiyo(koob iyo labaatan kun,Laba boqol iyo sideed iyo todobaatan)halka ay sanadkan ka tahay(Sideed iyo Toban kun Boqol iyo sideed iyo todobaatan)waxaana ay sanadkan hoos u dhacday Saddex kun iyo boqol.
Taliyaha Ciidanka booliska jamuuriyada somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan Ayaa ka hadlay Wax qabadka uu ku talaabsaday Ciidanka boolisku iyo waxa usoo kordhay sanadkan

Poli 4

Mudane madaxwayne Iyada oo sanadkasta uu ciidanka boolisk wax u kordhayaan xaga ciidan iyo xaga gadiidba,markasta heegan buuxa ugu jiraan sidii ay U sugi lahayeen amaanka Dalka somaliland,Xaalada dalkuna waa dagan yahay,intaad xilka haysayna madaxwayne waxaanu soo kordhinay qalabka ka hortaga rab-shadaha oo ciidan u gaar ah u samayna oo markasta heegan buuxa ku jira.

Poli 3

Taliyaha Ciidanka booliska oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay”Mudane Madaxwayne Sanadkan waxa dalka gadiid kusoo kordhay 27 gadiid,Waxaana sanadkan ciidan boolis ah laga aas-aasay Gobolka cusub ee xaysimo,degmooyinka xudun iyo taleex kuwaas oo ay hada ka hawl galaan ciidankaasi oo loo dhamaystiray xuquuqdoodii Ciidan,waxaana Dalka dibadiisa tababar ciidan kusoo qaatay 254 Xubnood oo ah saraakiil iyo sarakiil xigeen iyo 400 oo askari kuwaas oo iskugu jira alif-lay iyo dablay

Poli 3
Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha somaliland Cali maxamed waran cade oo isaguna munaasibada ka hadlay ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Jamuuriyada somaliland Sanad Guurada 21 ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay,waxaana uu sheegay inuu ciidanku ku talaabsaday Guula la taaban karo. Gaba-gabadii Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Munaasibada ka hadlay Ayaa sheegay inuu ciidank boolisku yahay Kuwa hadh iyo habeenba suga amaanka dalka waxaana uu ku amaanay Kaalinta ay dalka kaga jiraa waxaana uu yidhi” “Ciidamada boolisku waa ciidanka aynu ku fadhino nabad galiyadooda,waana ciidanka ilaaliya nabad galiyada oo ah waxa ugu muhiimsan ee dal laga hir galin karo,dadku hadaanu nabad galiyo haysan iyo ciidama boolis ah oo nabad galiyada suga oo waxbara haysan dalkaasi xasili maayo,dagina maayo. Madaxwaynaha somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa hambalyo u diray Ciidanka booliska Meel kasta oo ay joogaan” “Waxaan markaas hambalyo u dirayaa Ciidanka booliska somaliland Meelkasta oo ay joogaan iyaga iyo xaasaskoodaba aad iyo aad Ayaan hambalyo ugu dirayaa, Dhinaca kale waxa uu madaxwaynaha somaliland ka hadlay Darajadii lasiiyay ciidanka booliska somaliland oo ay askar badani saluug ka muujiyeen waxaana uu yidhi” “waxaan Doonayaa inaanu saxno Darajadii Ciidanka lasiiyay oo cabashooyin badani ka yimaadee,waanu sixi doonaa sida ugu dhakhsaha Badan iyadana waxbaanu ka qaban doonaa.

Poli 3

Poli 2

Poli 1