Al Shabaab oo xukun qoor goysmo ah ku fulisay nin Macalin ahaa

SHABAABUUHEE

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay saakay xukun qoor goysmo ah ay ku fuliyeen nin Macalin Dugsi Qur’aan ahaa, gudaha deegaanka Qandho oo ka tirsan Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan.

Xoogaga Shabaabka, ayaa waxay Macalin Maxamed Xuseen Cismaan ay ku eedeeyeen in uu gacan-saar la lee yahay Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Somaliya.

Dhacdadaan, ayaa waxay argagax badan gelisay bulshada ku nool deegaanka Qandho oo qiyaastii 70km u jirta Degmada Buulo Burde, oo 14-kii bishii Maarso dagaal looga saaray alshabaab Somaliya.

Shabaabka oo doonaayay inay horey u sii qaataan meydka Macalin Maxamed, ayaa waxay Odayaasha Deegaanka ka codsasdeen, kolba haddii ay dileen inaanay horey u sii qaadan meydkiisa, oo ay uga taggaan eheladiisa, si ay aas ugu sameeyaan.

Duqa Degmada Buulo Barde Cismaan Geedi Cilmi, ayaa waxa uu fal naxdin leh uu ku tilmaamay tallaabada guracan, ee Ururka Al Shabaab ay ku gowraceen Maxamed Macalin.

Cismaan Geedi oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu Xoogaga Al Shabaab uu si kulul ugu dhaliilay inay xad-gudub ku hayaan bulshada Somaliyeed.

Al Shabaab, ayaa xukuno dil iyo gowracba leh ku fulisa dadka ay ku tuhmaan in xiriir uu kala dhaxeeyo Dowladda Federalka Somaliya, iyagoo aan rag iyo dumar midna u kala sooceen.

Salaanmedia/Moqdisho